Iran iyo Sacuudiga oo ka Wadahadlay Gumaadka Falastiiniyiinta Israa’iil ku hayso

Bariga Dhexe (aftahannews):- Madaxda  Dalalka Sucuudiga iyo Iran, ayaa ka wadahadlay xiisadda ka taagan Falastiin oo ay Duqaymo ka wadaan Diyaaradaha Israel tan iyo Sabtidii toddobadii October 2023-ka, ka dib markii ay dagaalyahannada Ururka Xamas ee Falastiiniyiin weeraray Israel.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman, ayaa telefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Iiraan Ibrahim Raisi.

Warbaahinta dalalka Iran iyo Sacuudiga,  ayaa sheegaya, in Hoggaamiyeyaasha labada dal ay ka wadahadleen xiisadda falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Waa wadahadalkii ugu horreeyay ee telefoonka ku dhex maray, tan iyo markii la sii amba qaaday xidhiidhka diplomaasiyadeed bishii Maarso.

Labada dhinac waxay ka wada-hadleen baahida loo qabo in la soo afjaro denbiyada dagaal ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, sida ay ku warrantay warbaahinta labada dal.

Dhaxal-sugaha, ayaa warku sheegay inuu carrabka ku adkeeyay, in boqortooyada Sucuudigu ay sameyneyso dedaallo suurtagal ah oo ay kula xidhiidhayso dhammaan dhinacyada caalamka iyo kuwa gobolka, si loo joojiyo weerarrada isa soo taraya ee Qaza ay ka wadaan Diyaaradaha Israel.