Somaliland oo Digniin Cusub Ka Soo Saartay Roobab Waawayeyn oo la Saadaaliyay inay Dalka ka Da’ayaan

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka digtay Roobab mahiigaan ah oo la saadaaliyay inay toddobaadkan ka di’i doonaan qaybo ka mid ah gobollada iyo degmooyinka dalka qaarkood.

Qoraal lagu baahiyey Bogga Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa lagu sheegay inay Roobab waawayni ku soo fool leeyihiin dalka Somaliland, gaar ahaan deegaanno ka tirsan gobollada Saaxil, Sanaag iyo Maroodi-jeex, kuwaas oo la saadaaliyay inay daadad xooggan oo saamayn yeelan karaa ka dhalan karaan.

“Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland waxa ay uga digaysaa dhammaanba dadwaynaha ku nool Magaaloyinka Hargeysa, Sheekh, Salaxley iyo Ceerigabo inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, taasi oo ku waajahan Roobabka waaweyn ee filanayo todobaadkan.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka ay baahisay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Waaxda saadaasha u qaabbilsan Urur-goboleedka IGAD ee IGPAC, ayaa hore uga digtay Roobab waawayn oo ay sheegtay inay suuragal tahay inay da’aan bilaha October, November iyo December ee sannadkan 2023-ka, kuwaas oo ka di’i doona deegaanno ka tirsan Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Dalal kale, kuwaas oo ay sheegeen inay saamayn ku yeelan karaan Dadka deggan Xeebaha, Webiyada, Dooxyada iyo meelaha biyo-mareenka, loona baahan yahay in Dadku feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Sidoo kale, Hay’adda VAO ee Qaramada Midoobay qaybteeda saadaasha ee SWALIM iyo Hay’ado kale, ayaa iyaguna soo saaray dhawaan digniino tan la mid. Waxaana Roobabka la saadaaliyay ka bilaabmeen deegaanno ka tirsan Soomaaliya.