Guddoomiyaha Guurtida oo Guddi Xallineed u magacaabay Khilaafka KULMIYE kala jebiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Maanta magacaabay Guddi ka qayb-qaadata deminta khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo hoggaanka Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

SALEEBAAN-GAAL

Guddiga Guddoomiyaha Guurtiddu magacaabay waxay dhan yihiin shan iyo toban xubnood oo saddex ka mid ahi yihiin Shir-guddoonka, halka 12 kalana yihiin Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Guurtida Somaliland.

Xubnaha uu Maanta Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxay u dhignaayeen sidan:-

1-       Xildhibaan Cabdi Xuseen

2-       Xildhibaan Muxumed Aw Maxamed

3-       Xildhibaan C/qaadir Aw Xuseen

4-       Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan

5-       XildhibaanYuusuf C/laahi Cawaale

6-       Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan

7-       Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

8-       Xildhibaan Saleebaan Garas Seed

9-       Xildhibaan Maxamed Jaamac Abokor

10-   Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed

11-   Xildhibaan Sheikh Maxamuud Xirsi Faarax.

lama oga goorta ay Guddidani bilaabi doonto dhex-dhexaadintooda, hase-yeeshee waxa kale oo jira dhaqdhaqaaqyo kale oo Salaaddiin iyo dad kale oo la soo dhaqdhaqaajiyey wadaan, kuwaasoo aan illaa hadda iyana biyo-dhigin. Inkastoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo Xisbiga lagu badbaadinayaa Haddana waxa socda Tallaabooyin ay labada dhinac wali waddaan, kuwaasoo sabab u noqon kara in la sii kala fogaado.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.