Go’aanka Israa’iil ee Dagaalka, Ballanta Xamaas iyo Wararkii u Dambeeyey

Talaviv  (aftahannews):- Dowladda Israel,  ayaa Axaddii si rasmi ah ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah ururka Xamas ee Falastiiniyiinta, iyada oo ka jawaab celinaya weerarkii lama filaanka ah ee Xamas ay subaxnimadii Sabtidii ku qaadeen Israel.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu,  ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu dagaal kula jiro Xamas, hase ahaatee warkaasi muu ahayn mid rasmi ah.

Tirada dadka ku dhintay duqeymaha Israel ee Marinka Qasa, ayaa sare u kacday oo gaartay 493 qof sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka caafimaadka ee maamulka Falastiiniyiinta.

Tirada dadka iyaguna ku dhawaacmay duqeymahan oo dhacay saacadihii la soo dhaafay ayaa gaadhay 2,751.

Dhinaca, Israel Dad ka badan 600, ayaa kaga dhintay dagaalka tan iyo sabtidii, halka illaa 2,000 ay kaga dhaawacmeen, sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadku.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha wasiirrada ee Israel, ayaa Axaddii si rasmi ah ugu codeeyey go’aanka ku dhawaaqista dagaalka, kaas oo rasmi noqday.

Haseyeeshee,  Masuuliyiinta Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta, ayaa geestooda ku hanjabay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka Israel inta ay joojinayso beegsiga goobaha cibaadasa ee Masuuliyiinta Falastiin iyo gumaysiga ay ku hayso dadka iyo dhulka Falastiin.