Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka Digay Khatarta Roobabka iyo Fatahaadaha Bilaabmay

Muqdisho (aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, ayaa ku baaqay in laga diyaargaroobo khatarta ka iman karta Roobabka xooggan iyo Fatahaadaha, oo la saadaaliyey inay dhibaato ka geysan karaan bilaha October illaa December ee sannadkan 2023-ka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir oo lagaga hadlay arrimo dhawr ah oo la xidhiidha amniga Caasimadda, qaadashada kaarka Aqoosiga Qaranka, garab istaaga ciidanka dowladda iyo weliba Roobabka mahiigaanka ah ee la filaayo iney ka da’aan gudaha dalka iyo saadaasha El-Nino.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduha Axmed Macalin Fiqi, Maareeyaha Guud ee Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka Cabdiweli Cali Timacade, Taliyaha Hogaanka Xiriirka Bulshada ee Booliska Soomaaliyeed iyo gudoomiyaasha degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo Roobabka mahiigaanka ah ee la filaayo iney da’aan iyo saadaasha El-Nino, isagoona ugu baaqay Barakacayaasha iyo dadka ku hoos nool guryaha bur bursan iney feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Yuusuf Madaale ayaa faray gudoomiyeyaasha degmooyinka, Culumada, Hay’adda heer Federaal iyo shacabka intiisa kale iney qaataan doorkooda xaalad walba oo ka dhalan karta Roobabka iyo dabeylaha la saadaaliyay ee El-Nino.

Gabagabadii guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa magacaabay guddi heer gobol oo ka shaqeenaya u diyaar garowga xaaladaha ka dhalan kara saadaasha El-Nino oo cabsi badan ku beertay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool xeebaha iyo dhulka wabiyada ay maraan.