Webiga Shabeelle oo Bilaabay Fatahaado iyo Digniinta Maamulka ee El Nino

Mahadaay (aftahannews):- Webiga Shabeelle, ayaa bilaabay inuu ku fataho deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, ka dib markii uu sara kac ku yimid heerka biyaha Webiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Fatahaadda, ayaa la soo werinayaa in xooggeeda uu Webiga Shabeelle ka sameeyay deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Fatahaadda uu Webiga ka sameeyay deegaannada ka tirsan Shabeellaha Dhexe, ayaa la sheegay iney baabbi’isay dalagyo kala duwan oo ku beernaa dhul beereed baaxad leh oo ay soo dhaweyd xilligii la goosan lahaa.

Waa markii labaad ee sannadkan gudahiisa ay fatahaadi ku dhufato qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo bishii April ee sannadkan 2023-ka u baabi’isay dalagyo kala duwanaa ka dib markii uu ku fatahay Webiga.

Wasiir ku-Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle Cumar Maxamed Cumar Gaabow, ayaa sheegay in degmada Mahadaay haatan ay qarka u saaran tahay inuu ku fataho Webigu.

“Degmada Mahadaay oo kale shalay iyo maanta waxaa biyaha laga celcelinaya xaafadda Kacaanka xaafad la yiraahdo oo ka tirsan Degmada Mahadaay, oo ayadana ay biyaha ku fatahaan, balse dadka deegaanka ayaa ku dadaalaya iney ka hortagaan.” Ayuu yiri Wasiir Cumar Maxamed Cumar.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in fatahaadaan ay ka soo hormartay xiliyadii lagu yaqiinay fatahaadaha kale, isagoona xusay in fatahaadan ay sii dheer tahay cabsida laga qabo roobabka mahiigaanka ee laga digayo in dalka ka da’i doonaan iyo weliba duufaanta El Nino ee la sheegay iney ku soo wajahan tahay dalalka dhaca Geeska Afrika.

“Wasaaradda waxay diyaargarow ugu jirtaa in laga hortago fatahaadaha kale ee ka dhalan doona duufaanta El Nino iyo roobabka daadadka wato ee la filayo inay dalka ka da’aan, taas qorshaheeda iyadoo aan la gaarin ayay biyahan ka hordhaceen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenku.

Cumar Gaabow oo sii wata hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Hirshabelle ahaan sida hadda aan saadaasha ku ognahay ama na loogu sheegay roobabka lixaadka leh ee dabeylaha wato waxay ka da’i doonaan soonaha Hiiraan, Shabellaha Dhexe asna waxaa looga cabsi qabaa inay ka dhacaan fatahaado hor leh, oo ay sababaan duufaantaas iyo roobabka ka da’i doona Gobolada Dhexe.”

Dhawaan ayay aheyd markii Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ay sheegtay iney jirto cabsi xooggan oo laga qabo in guud ahaan dalka uu wajaho dabeylo iyo roobab mahiigaan ah oo sababi kara fatahaado iyo daadad, waxaana xusid mudan in roobabkaasi ay haatan ka bilaawdeen meelo ka mid ah gobollada dalka oo ay ugu horreeyaan gobollada Baay iyo Hiiraan.

Digniinaha la jeediyay oo tan iyo bishii  hore ay si is dabajoog ah u soo saarayeen Hay’adaha kala duwan ee Saadaasha hawada iyo cimilada qaabbilsan ee caalamiga ah, kuwa Afrika, IGAD iyo kuwa guduhuba, ayaa si gaar ah loogu muujiyay in khatarta ugu badan ay wajihi karaan dadka ku nool Xeebaha Soomaaliya iyo hareeraha Webiyada, Dooxooyinka iyo Dhulka biyo-mareenka ah.