Somalia: Dowladda oo Sheegtay inay Dishay Horjooge iyo Xubno Al-shabaab ka tirsanaa

Muqdisho (aftahannews):- Ciidammada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada Caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-Al-Shabaab iyo Malleeshiyaad la socday ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ciidammada iskaashanaya ay Howlgalka ku dileen Horjoogihii Al-shabaab u qaabbilsanaa dabagalka ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo labo Malleeshiyo ah oo la socotay iyo xubin kale oo ay u adeegsan jireen kooxdu soo uruurinta lacagaha baadda ah oo ay ugu yeedhaan sakawaadka.

Howlgalkan, ayaa ka dhacay inta  dhaxeysa deegaannada Mubaarak iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose,  gaar ahaan agagaarka tuulada Raydableey, waxaana Horjoogaha howlgalka lagu dlay magaciisa lagu sheegay Faarax Yare.

Sidoo kale, waxa warka lagu sheegay in howlgalkaas Ciidammada is garabsanayaa sameeyeen ay ku dileen Maxamuud Xasan Kadiye oo loo yaqaannay Biriq, kaasoo la sheegay inuu ahaa Oday dhaqan beenaad Al-shabaab u qaabbilsanaa soo uruurinta lacagaha iyo dacwooyinka Qabiilka, si gaar ahna ugu xil saarnaa deegaannada Ceelasha Biyaha illaa Ugunji.

“Khawaarijta ayaa Oday beenaadkan hore ugu abaalmarisay Qori iyo Gaadhi Toyota Probox ah, waxaana xilliga uu hawlgalku dhacayay uu halkaas u joogay inuu Khawaarijta u geeyo Qori iyo Boosh ay madax furasho ahaan ugu xukumeen Muwaaddin Soomaaliyeed oo ay gaadhi xoog kaga heysteen.” ayaa lagu yidhi War-saxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Howlgalkan, ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Ciidammada dowladda iyo kuwa saaxiibbada Caalamiga ah ay howlgallo culus ka wadaan dhulka Howdka ah ee ku dhaw degmada Maahaddaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo in ka badan toban maalmood ay ku go’doonsan yihiin Malleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

War-saxaafadeedka ka soo baxay  wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com,  waxa uu u dhignaa sidatan:-

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya 2023
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya 2023