Madaxweyneyaasha Somalia iyo Djibouti oo la Kulmay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykankanka

Djibouti (aftahannews):- Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, ayaa Axaddii shalay magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu gobalka ku marayo safarkii ugu horreeyay ee uu ku yimaaddo Afrika isagoo ah Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykankan ah, iyadoo ay weli sii socdaan rabshadaha gobolku. 

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka iyo Madaxwaynaha Soomaaliya 2023

Jabuuti, ayaa hooy u ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee qaaradda, Austin ayaa sheegtay in booqashada saldhigan ay tahay mid muhiim u ah ka hortagga xagjirnimada iyo taageeridda ammaanka gobolka oo dhan.

Waxaa uu intaa ku daray in Mareykanka uu ku faanayo in uu la shaqeeyo ciidamada Jabuuti iyo kuwa Midowga Afrika ee taageera Soomaaliya,halkaas oo Al-Shabaab ay sii wadaan rabshadaha ka dhanka ah dalkan iyo iska caabbinta ciidamadaSoomaaliya.
Al-Shabab waa garabka ugu weyn ee al-Qaacida ee qaaradda.

Soomaaliya ayaa dhawaan wajahday dib u dhac ku yimid dagaalladii ay kula jirtay Al-shabaab kaddib weerar khasaare badan dhaliyay ee 26-kii bishan ka dhacay deegaanka Cowsweyne, waxaana dhacdadaas lagu dilay tobaneeyo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana ay keentay in si deg-deg ah ay uga baxaan jiidaha hore ee dagaalka iyo magaalooyinkii ay horay uga qabsadeen kooxda Al-shabaab.

Dib u dhacan, ayaa ahaa mid ka mid ah sababaha ay Soomaaliya u codsatay “hakin kumeel gaadh ” oo ku aaddan dhimista ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Dhimashada, oo soo bilaabatay usbuucii hore, ayaa la qorsheeyay in lagu dhimo 3,000 oo askari oo ka tirsan Midowga Afrika oo ku wareejinaya saldhigyadoodii askarta Soomaaliya dhamaadka bishan.

“Nasiib darro, August 26, 2023 waxaa na soo gaarey dib u dhacyo kala duwan kadib weerarkii lagu qaaday ciidammadeenna deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galguduud iyo dib u gurasho ay ciidamadu ka sameeyeen magaalooyin dhowr ah oo dhawaan laga saaray Alshabaab,” ayaa lagu yidhi warqada uu qoray La-taliyaha Amniga Qaranka. Xuseen Sheekh-Cali. “Dhacdooyinkan aan la filayn waxay daaha ka rogeen dayacankayaga furimaha hore.” Ayaa la raaciyay qoraalka.

Sarkaal ka tirsan Ciidammada difaaca Mareykanka, ayaa Al-Shabaab ku tilmaamay “caqabad adag” oo aan ahayn mid habeen kaliya lagu soo afjari kareyn.
“Waa mid u baahan iskaashi joogto ah oo annaga iyo saaxiibadeena bariga Afrika, oo ay ku jirto Kenya, anag adhaxeeya” ayuu yiri sarkaalku.

Ciidammada Mareykanka, ayaa muddo sanado ah “la talinayey oo gacan siinayey” ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo ay ku jiraan tababaridda ciidamada gaarka ah iyo fulinta duqeymaha ka dhanka ah kooxda.

Ciidammada Mareykanka, ayaa muddo sanado ah “gacan siinayey” Ciidammada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo ay ku jiraan tababaridda ciidamada gaarka ah iyo fulinta duqeymaha ka dhanka ah kooxda.

Kulanka wasiirka Difaaca Mareykanka Lloyd Austin iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheekh, ayaa daaranaa sidii Washiton ay xidhmooyin dhaqaalo ay siin laheyd Muqdisho oo xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab.

Sargaal kale oo maxali ah, ayaa sheegay in labada dhinac ay isla soo qaadeen damaca shiinaha ee gobalka iyo sidii Washiton ay hoos u ugu dhigi laheyd saameynta beejin ee gobalka.

Austin, ayaa u safri doona Kenya iyo Angola usbuuca dambe. Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka, tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xoghaye Maraykan ah uu u safro Angola, waana markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1976-kii oo taliyaha difaaca Maraykanka uu booqdo Kenya.

Kumanaan ka tirsan Ciidammada Kenya,  ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Kenya ayaa la kulmeysa weerarro isdaba joog ah oo kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab oo uu ka mid yahay weerarkii qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi 10 sano ka hor oo ay ku dhinteen 67 qof.