Jabuuti iyo Iran oo dib u soo celiyay xidhiidhkooda diblomaasiyadeed

New York (aftahannews):- Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku dhawaaqday in Iran iyo Jabuuti ay go’aansadeen in ay dib u soo celiyaan xidhiidhkooda oo muddo 7 sano ah go’naa.

Soo celinta xidhiidhka Iran iyo Jabuuti, ayaa ka dib markii ay  wasiirrada arrimaha dibedda ee labada dal kulan ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka oo uu ka socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Jabuuti oo ay wehliyaan qaar ka mid ah dalalka kale ee Muslimka ah, ayaa ku biiray Sacuudiga, isla markaana go’aansaday inay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jaraan Iran, kaas oo jawaab u ahaa weerarki Safaaradda Sacuudiga ee Tehran ay ku qaadeen dad reer Iran ah oo mudaaharaadayay 2016-kii ka dib markii la toogtay Wadaadkii ugu sarreeyay ee Shiicada Sacuudiga Sheekh Nimr al-Nimr.

“Labada dawladood waxay ku heshiiyeen in la sii horumariyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal oo ku salaysan is ixtiraamka madaxbanaanida, sinnaanta, faa’iidada wadaagga ah, iyo nabad ku wada noolaanshaha,” ayaa lagu yidhi qayb ka mid ah bayaan ay daabacday Iran Khamiistii.

Waxay Wasaaraddu intaa ku dartay in labada dal ay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ku saabsan “meelo badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin maalgashiga, ganacsiga, sayniska, iyo hal-abuurka tignoolajiyada”.

Sacuudiga, ayaa dib u soo celisay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeyay Iran horraantii sannadkan, tallaabadan, ayaa u muuqata mid u gogol xaadhaysa in Iran ay hagaajiso xidhiidhka ay la leedahay qaar ka mid ah xulafada Sacuudiga oo ay ku jiraan Djibouti iyo Masar.