Daawo: Munaasibad loogu dabbaal-degay Dheelmintii Nebi Muxamed (S.C.W) oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana loogu dabbaal-dagayo Xuska laylatul-israa Wal-micraaj oo ah habeenkii Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee Nebigeennii Suubbanaa ee Muxamed la dheel-miyey, ayaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xuskan oo qiime weyn u leh ummadda Islaamka ah maaddaama oo loogu dabaal dagayo habeenkii la dheelmiyey Nebigeennii Subbanaa ee Muxamad (S.C.W), ayaa waxa soo qaban qaabiyey Jimciyatul-Axbaab oo ka shaqaysa waynaynta Xusaska Nebi Muxamed iyo Barashada Diinta Islaamka.

Munaasibaddaas oo lagu soo bandhigay muhiimadda Xuska dheelimintii Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxaariisi korkiisa ha ahaatee, isla markaana lagu soo bandhigay qasaa’id Nebi-ammaan ah halkan hoose ka daawo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.