Madaxweyne Biixi oo Aqbalay go’aanka Odayaasha Dhaqanka, Codsina u diray Baarlamaanka

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu aqbashay Soo-jeedinta Ergo dhaqameedka dhexdhexaadinta ka galay khilaafka doorashooyinka ee u dhexeeya Mucaaradka iyo Muxaafidka.

Madaxweyne Biixi oo xalay Odayaasha dhaqanka ee Ergada ahaa kula kulmay madaxtooyada, ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku socodsiiyey Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada, oo uu ka codsaday inay go’aanka Ergada iyo Sharciga doorashooyinka.

Ergada ayaa soo jeediyey in la mideeyo doorashooyinka, isla markaana doorashada Ururrada Siyaasadda oo u muddaysnayd November 2023-ka iyo ta madaxtooyada oo u muddaysnayd November 2024, hal Mar la wada qabto 13 November 2024.

Doorashada Ururrada iyo Xisbiyada hore I jiray ay wada gali doonaan oo Xisbinimo u tartami doona, halka ee UCID, Waddani iyo Kulmiye doorashada Ururrada Siyaasadda ay la galayaan ka sokow ay ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada.

Madaxweynaha Somaliland, Xukuumaddiisa iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye hore u diiddanaayeen in doorashooyinka Ururrada iyo madaxtooyada la mideeyo iyo in ta madaxtooyada la soo horreysiiyo, ayaa ku doodayey in doorashada Ururrada Siyaasaddu soo horrayn doonto, taasoo ay Mucaaradka UCID iyo Waddani ka soo horjeedeen. Halka Ururradu danaynayeen in doorashadoodu soo horreyso.

Masuuliyijnta Xisbiyada Waddani iyo UCID iyo Ururrada Siyaasadda qaarkood, ayaa soo dhaweeyey Isniintii toddobaadkan oo ay odayaasha Ergada ahaa soo saareen go’aankooda, halka Ururrada qaar ka soo horjeesteen, qaarkoodna aanay weli hadal.

Haddaba, Wareegtada Madaxweynuhu soo saaray maanta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, ayaa u dhignayd sidatan:-

“WAREEGTO MADAXWEYNE: 30 /08/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka

Mudaneyaal,

Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.

ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayuu Wareegtadiisa ku yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.