Jigjiga (aftahannews):- Dhacdo argax leh, ayaa ka dhacay magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaanka Soomaalida duhurnimada Axaddii shalay, halkaas oo ay afar nin oo Itoobiyaan ah ku kufsadeen, kaddibna ku dileen Faadumo Ugaas Carab Muxumed oo ay da’deedu ahayd 11 jir.
Booliska deegaanka Soomaalida, ayaa xabsiga u taxaabay afar nin oo Itoobiyaan ah oo ku eedaysan inay gabadha-yar kufsi-wadareed u geysteen kaddibna dileen.
Cusbitaalka Karamardha oo la geeyey meydka gabadha yar ayaa caddeeyey in la kufsaday inanta ka hor intii aanay dhimanin, waxaana jidhkeeda laga helay dhaawacyo kala duwan oo ay u geysteen afarta Nin ee kufsaday.
Falkan, ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha meherad Faarad ah oo ay leeyihiin Qoyska reer Ugaas Carab Muxumed oo ku taalla Xaafadda 13aad ee magaalada Jigjiga, waxaanay duhurkii shalay qado u qaadday Aabbeheed oo la sheegay inuu hawl kale kaga maqnaa meheradda, taas oo keentay in afarta Nin oo ka shaqaynaysay meheradda Faaradda ah ay Gabadha-yar kufsadaan kaddibna dilaan.
Meydka Gabadha, ayaa la geeyay Cusbitaalka Kaaramardha, waxaana la sugayaa in laamaha ammaanku ay ka hadlaan falkan argagaxa leh.
Amniga magaalada Jigjiga, ayaa muddooyinkii u dambeeyey laga dayrinayay, waxaana saddex maalmood ka hor uu nin Askari ah toogtay Gabadh uu jaad ka iibsanayay oo ay is-af-dhaafeen, halka xaafadaha qaarkood la sheegay in ay Rag ku hubaysan baastoolado dhaceen meherado dhawr ah.