Baarlamaanka Deegaanka Amxaarada oo Fadhi Degdeg ah Xilka Ka Qaadaya Madaxweynahooda

Bahir Dar (aftahannews):- Baarlamaanka deegaanka Amxaarada, ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo tuhunno badan ku xeeran yihiin ku yeelan doona magaalada Bahir Dar maalinta Jimcaha, waxaana farriin loo diray Xildhibaannada Baarlamaanka loogu sheegay in aanay ka maqnaain fadhiga Jimcaha.

Laba Xildhibaan oo la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in lagu wargeliyey in subaxnimadii shalay ay heleen farriimo loogu sheegayo in ay yimaaddaan kalfadhigan oo ka dhacaya caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir Dar.

Xildhibaannada looma sheegin ajandeyaasha kalfadhigan degdegga ah, hase yeeshee Mudane dalbaday in magaciisa la qariyo, ayaa u sheegay wargeyska Ethiopia Insider, in maaddaama uu fadhigu yahay mid degdeg ah, in aanay Afhayeenka Baarlamaanka iyo masuuliyiinta kale ee dawladdu doonayn in lasii ogaado ajandeyaasha, balse ay qasab tahay in lagaga munaaqishoon doono arrimo la xidhiidha xaaladda colaadeed ee uu ku jiro deegaanka Amxaaradu.

Mudanahan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay, in maadaama uu deegaankoodu ku jiro xaalad degdeg ah, in aanay baarlamaanku yeelan karaynin fadhi aanay dawladda dhexe ka lahayn ujeeddooyin gaar ah, taasina ku dhalinayso shaki horleh.

Warbaahinta maxalliga ah ayay qaarkood sheegayaan in ay suurtogal tahay in xilka lagaga qaado madaxweynaha deegaanka Axmaarada.

Madaxweynaha Amxaarada Dr. Yilkal Kefale oo fadhigii ugu dambeeyey ee uu baarlamaanku yeeshay bil ka hors i adag ugaga hadlay xaaladda amniga ee deegaankiisa, isaga oo yidhi: “Waa in aynu si degdeg ah usoo celinno nolosheenii caadiga ahayd innaga oo samaynayna latashiyo isla markaana aan wax xayiraado ah ku xidhayn sidii xal loo heli lahaa.”

Waxa uu waqtigaas soo jeediyey madaxweyne Yilkal Kefale in min shan xubnood laga soo xulo obollada deegaanka Amxaarada oo ay soo gudbiyaan talooyinkooda, si uu baarlamaanku uga tashado, kaddibna loo raadiyo xal loo helo colaadda ka taagan deegaankiisa.

Haseyeeshee, laba usbuuc kaddib kulankaas, ayaa uu warqad u qoray dawladda federaalka isaga oo dalbaday in lasoo farogeliyo kaddib markii ay jabhadda Fano la wareegtay inta badan magaalooyinka waaweyn, sida Gonder, Desse, Debre-Berham, Debre-Tabor, LaLibela, iyo qaybo ka mid ah magaalooyinka Bahir Dar iyo kuwo kale, taas oo keentay in xaalad degdeg ah lagu soo rogo deegaankaas oo ay milaterigu ku sameeyeen farogelin ay magaalooyinka waaweyn dagaal culus kula galeen jabhadda Fano.