Ciidanka Cirka ee Soomaaliya oo Diyaarado kaga qaybgalaya la-dagaallanka Al-Shabaab

Muqdisho (aftahannews):- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in howlgalka lagu xoreynayo deegaannada Galmudug ay ka qeyb galayaan markii ugu horreysay, Ciidammada Cirka Soomaaliya oo ay adeegsanaya diyaarado dagaal.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Gen, Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa sheegay in ay Ciidammada Soomaaliyeed ay duqeynayaan xarumaha Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin deegaannada howlgalladu ka socdaan.

“Waxaan yeelanay ciidan cir iyo dhul oo xoog leh. Waxaa socda diyaaradihii ciidanka cirka Soomaaliya, oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay waddo, oo sahminaya oo duqeynaysa. Waxaa jira ciidankii dhulka oo gaadiid badan wata,” ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhiggu.

General Caanood wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Al-shabaab dalka laga xoreeyo, oo aan lagu dhaafin meelo yaryar oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Afhayeenka, ayaa sheegay in ay Dowladdu cafis u fidisay cid kaste oo kasoo goosata Al-shabaab. Isla markaana labo maalmood ka hor inay dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsanaa  isu soo dhiibeen Ciidammada Dowladda ee ku sugan Galcad.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya, ayaa wadda gulufkii ugu xoogganaa, iyadoo Ciidammada xoogga dalka iyo kuwa macaawisleyda ee deegaanku ay kusii siqayaan inay gacanta ku dhigaan guud ahaan gobolka Galgaduud, oo hadda Al-shabaab ay kaga sugan yihiin meelo kooban.