Dedaallo lagu Dhexdhexaadinayo Dhinacyada KULMIYE oo Bilaabmay

Natiijada kulamadii u horreeyey oo ergo miisaan culus oo beesha bariga Burco ah la yeesheen madaxweynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE + Saleebaan-gaal oo ku biiray ergooyinka dhexdhexaadinta

Hargeysa(Aftahannews):- Ergooyin dhexdhexaadineed oo ay horkacayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo isugu jira ganacsato waaweyn, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kala duwan, ayaa markii u horaysay isu xilqaamay gelinkii dambe ee shalay dedaallo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada khilaafku u dhexeeyo ee xisbiga KULMIYE oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi.

silanyo - saleban iyo muse

Ergooyinka oo sida la sheegay u badan xubno ka soo jeeda degaanka bariga Burco, ayaa ilo-wareedyo kala duwan Jamhuuriya ka helay bilawga hawlgalkooda ay xaqiijyeen inay gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay la kulmeen dhinacyada khilaafka culus ee xisbiga KULMIYE u dhexeeyo, kuwaasoo gooni-gooni u arkay, una bandhigay in marka hore xaaladda dejiyaan si xaalka iyo xiisadda taagan loogu dhameeyo wadahadal.

Ergadan oo ka kooban rag miisaan culus leh oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyaha Guurtida,  ganacsato waaweyn oo beesha bariga Burco ah,  siyaasiga Xasan Gaafaadhi, General Xasan Sallin iyo weliba xubno kale oo aqoonyahan iyo rag kaleba leh, ayaa sida Jamhuuriya ogaaday dhaqdhaqaaqa dhexdhexaadintooda ka bilaabay dhinaca hoggaanka KULMIYE ee Guddoomiye Muuse Biixi iyo xubnaha taabacsan oo kulan ay la yeesheen habeenimadii Isniinta iska waraysteen ujeeddada ergadooda iyo waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka kala kexeeyey xisbal-xaakimka tallada haya ee KULMIYE, waxaannay Guddoomiye Biixi iyo xubnaha wehelinayey u caddeeyeen kooxda ergada ah in aanay iyagu wax dhibaato ah wadin, waxna ka qabin wixii waanwaan ah ee lagu xallinayo khilaafka.

Waxa kaloo ergado kulankoodii labaad la qaateen Madaxweyne Siilaanyo oo ay kala hadleen xallinta khilaafka xisbiga ee uu dhinaca ka yahay, waxaanna ilo-wareedyo Jamhuuriya helay sheegeen in wadahadal dheer iyo dood adag dhexmartay Madaxweynaha iyo ergada beeshiisa ka tirsan, kuwaasoo la sheegay inay ka dalbadeen madaxweynaha inuu xiisadda khilaafka xisbiga dhulka dhigo, odaynimana muujiyo, maadaama khilaafka xisbal-xaakimku yahay mid saamayn togan ku yeelan kara dalka. Warku waxa uu intaasi ku daray in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay soo jeedinta ergadu u bandhigeen, isla markaana ogaaladay inay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka cakiran eek ala irdheeyey isaga iyo hoggaanka xisbigiisa.

Sidoo kale, ergada dhexdhexaadinta oo mar kale kulan labaad la yeeshay hoggaanka xisbiga KULMIYE xalay, ayaa la sheegay inay uga warbixiyeen natiijada wadahadalkii ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo inuu aqbalay ergadooda, waxayna dhinaca hoggaanka ka dalbadeen inay dejiyaan xaaladda, kuna kicin tallaabo kasta oo sii hurin karta xummadda khilaafka xisbiga oo maraysa halkii ugu saraysay inta wadahadalladu socdaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hiirtii waaberi ee shalay dalka ku soo laabtay, soona gaabiyey safar-caafimaad oo uu ku joogay dalka Ingiriiska, ayaa sida ilo-wareedyadu tibaxeen, waxa uu isla gelinkii dambe ee shalay khadka tellefoonka kula xidhiidhay dhinacyada isku haya khilaafka KULMIYE, isagoo markii dambena ku biiray ergooyinka dhexdhexaadinta ee kulamada la yeeshay dhinacyada KULMIYE.

Khilaafka ka dhex oogan xisbiga KULMIYE oo maraya heerkii ugu sareeyey, ayaa ka dhashay loolan dhinaca murrashaxnimada madaxweynaha ee doorashadda soo socota oo ka dhex qarxay madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi oo labaduudba ku dhawaaqay inay sharraxan yihiin..

Xigasho Jamhuuriyamedia.com