Soomaaliya oo Joojisay Isticmaalka Tiktok, Telegram iyo 1XBET & Jawaabta Somaliland

Muqdisho (aftahannews):- Xukuumadda Soomaaliya, ayaa shaacisay inay joojinayso isticmaalka qaar ka mid ah baraha bulshada, sida Tiktok, Telegram iyo 1xbet sababo la xidhiidha Dhaqanka, Diinta iyo Anshaxa wanaagsan oo ay ka soo horjeedaan awgood.

Wasiirka Isgaadhaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee ay dowladdu u xirayso isticmaalka baraha bulshada, sida Tiktok, 1xbet iyo Telegram.

Wasiirka Isgaadhsiinta, ayaa sheegay Dowladda inay dhibaato weyn ku qabtay isticmaalka baraha bulshada. Wuxuua si gaar ah farta ugu fiiqay shabakadda 1xbet oo ah shabakad caan ku ah lacagaha qamaarka lagu cayaaro.

Wasiirku wuxuu sheegay in Askarta dowladda ay gaadhsiisay heer ay hubkooda iibiyaan si ay qamaarka ugu cayaaraan.

“Dhallinyarada askaraha ee qaranka u shaqeeya aad buu ugu faafay 1xbet, oo wuxuu gaaray inay qoryaha kala helaan. Number weyn ayaa jira oo ma ahan wax qarsoodi ah,” ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in si qaldan looga faaidaystay isticmaalka baraha bulshada. Wuxuu sheegay dowladdu in aysan hadda ka gaarin go’aan kama dambays ah, balse ay hakisay, si loo yareeyo waxyeelada ay Dowladda iyo bulshada ku hayaan.

Baraha qaarkood ayuu sheegay Wasiirku in amniga lagu dhibaateeyo. Qaar kalena  xumaanta lagu faafiyo. Wuxuu sheegay jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda inuu halis ku jiro haddii aan laga joojin isticmaalka shabakadahaaa.

WASIIRKA-ISGAADHSIINTA-SOMALILAND-CABDIWELI-SHEEKH-CABDILLAAHI-SUUFI
WASIIRKA-ISGAADHSIINTA-SOMALILAND-CABDIWELI-SHEEKH-CABDILLAAHI-SUUFI

Geesta kale,  Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inaanu khusaynin amarka Soomaaliya ku joojinayso isticmaalka baraha bulshada ee Tikto, Telegram iyo 1xbet, sida uu sheegay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Suufi Muxumed. Inkasta oo Somaliland hore u joojisay 1xbet, haddana may dhaqangelin.