Xisbiga Kulmiye oo doortay Hoggaan iyo Musharraxiinta Madaxweyne iyo Ku-xigeen

Burco (aftahannews):- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen cusub iyo Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Xisbiga Kulmiye oo shirwaynihiisii maalintii labaad ka soconayo magaalada Burco, ayaa musharax madaxweyne markale u doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sidookale musharax madaxweyne ku xigeen ayuu u doortay Wasiir Maxamuud Sacad Saajin.

Xisbiga ayaa sidoo kale Guddoomiye cusub u doortay Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga, sidoo kale Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ah siyaasi muddo dheer xisbiga ka tirsanaa ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye.

“Waxa la ii soo kiciyay muddo dheer ka bacdi in aan idinku soo celiyo xilkii guddoomiyaha Kulmiye ee aad hore iigu igmateen” Madaxweyne Biixi ayaa madasha kaga dhawaaqay in uu iska casilay guddoomiyaha xisbiga kahor intaan Kaahin loo cumaamadin xilka.

Xisbiga Kulmiye, ayaa u muuqday in waxkasta lagu sii qorsheeyay doorashada ka hor, iyada oo si ka duwan aanu haba yaraatee wax is qabqabsi ahi ka dhex dhicin xubnihii ku tartamayay hoggaanka xisbiga.