Madaxweyne Biixi oo Farriimo Adag u diray Xisbiyada Mucaaradka ah

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xisbiyada Mucaaradka mucaaradka ah u sheegay in ay la tartamaan Ururrada Siyaasadda, isaga oo sheegay in dadku ay xaq u wada leeyihiin in la doorto iyo inay wax doortaan.

Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeedinayay Shirweynaha Xisbiga talada Somaliland haya ee Xisbiga Kulmiye oo maanta ka furmay magaalada Burco, ayaa sheegay in doorashooyinka loo raacayo sharciga.

“Sharcigu siduu dhigayo ayaanu u raacaynaa doorashooyinka, sharciga hadii laga leexdana dalku ma soconayo, xisbiyadii wakhtigii ayaa ka dhacay, mucaaradkana xisbiyo cusub ayaanu wada dhisnay oo baarlamaanka ayay kasoo ogolaadeen.” ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in nidaamka dimuquraadiga ahi aanu ahayn Tooko ama sannadba aan qof loo dhiibayn talada dalka, balse Kursiga lagu tartamayo oo kolba ciddii ay shacabku doortaan ay madax noqonayso.

“Kuma jirto dimuquraadiyadda waa markaygii ee ha la ii dhiibo, ma jirto wallaahi haddii markayga la isiin waayo xabbad ayaan ku qaadanayaa, taa Rag hore ayuu ugu waayaye haku lug gu’in walaalow, qaranku taa kumuu heshiin, dastuurkuna muu keenin, iskuma quudhno, af-waayeelna maahan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa weli isku maan dhaafsan sida loo soo kala horraysiinayo doorashooyinka Ururrada Siyaasadda iyo Madaxtooyada, iyada oo ay dhawaan Guddiga doorashooyinku go’aamiyey in doorashada Ururradu soo horrayso oo ay qabsoomayso ta Ururradu December 2023-ka,  halka ta madaxtooyada ay u muddeeyeen November 2024-ka, taas oo Madaxweynuhuna saxeexay,  oo Mucaraadkuna weli ka soo horjeedaan.