Booliska Muqdisho oo Ka Hadlay Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay & General la Qabtay

Hargeysa (aftahannews):- Afhayeenkaa ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac sababay, kaas oo u dhexeeyay Ciidammada xasilinta Caasimadda iyo ciidan ka amar qaadanayay Sarkaal hore oo ka tirsaan ciidanka xoogga dalka.

Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen Sheegoow Maxamed Cali oo ahaa sarkaal hore oo ka tirsaan ciidanka xoogga dalka iyo 18 ka mid ah ciidankiisa. Waxa uu sheegay in ciidamada Sheegoow ay billaabeen dagaalka.

“Cid kasta oo isku dayda inay khalkhal gelisyo amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda, gacanta ayay kusoo dhigayaan ciidanka xaslintu.” ayuu yidhi Afhayeenka Boolisku.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka oo muddo saacado ah socday, ayaa Doodishe ku shegay saddex Askari oo dhimasho ah oo laba ka mid ah ahaayeen ciidanka Sheegoow, halka kan kale uu ka tirsanaa Ciidammada ammaanka dowladda. Wuxuu sidoo kale sheegay in 7 ka mid ah Ciidammada Sarkaalkii hore ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Afhayeenka booliska ayaa sarkaalkan iyo ciidankiisa ku eedeeyay amni darro ka jirtay degmada Dharkeenley oo ah halka uu ka dhagay dagaalkii xalay.