Ujeeddada Shir maanta ka furmi lahaa Kenya oo baaqday markii Soomaaliya diidday ka qayb-galkiisa

Nairobi(Aftahannews):- Shir maanta oo Salaaso ah ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo lagaga hadli lahaa dib-u-celinta Qaxoontiga Soomaalida ee dalkaas ku dhibaataysan bilihii u dambeeyey, ayaa baaqday, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya diidday inay ka qayb-gasho.

Somaalida Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xaaladda haatan ay ku sugan yihiin qaxoontiga Soomaaliyeed aanay u saamaxayn inay ka qeybgasho shir ka dhacaya waddanka Kenya, iyadoo dawladdu diidmadeeda ku salaysay tacaddiga iyo dhibaatooyinka badheedhka ah ee ay dawladda Kenya ku hayso Shacabka Soomaaliyeed ee dalkeeda Qaxoontiga ku ah.

Warqad ay soo qortay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo BBC-du heshay, ayaa lagu sheegay in xidhitaanka iyo dib-u-celinta qaxoontiga Soomaaliyeed ay dawladda Kenya ku haysaa aanay waafaqsanayn xeerarka caalamiga ee qaxoontiga adduunka.

Xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya ayaa u muuqda inuu saamayn ku yeeshay howlgalka Ciidammada Kenya ay ka wadaan Xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay ee magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Dawladda Kenya, ayaa dad badan oo Soomaaliyeed oo dalkeeda Qaxoonti ku ahaa dib ugu soo celisay Soomaaliya oo weli meelo badan oo ka mid ah colaado iyo abaaro hore uga barakiciyey dadka ka qaxay ay ka sii jiraan. Halka kumannaan kale ay Xabsiyada Kenya ka buuxaan oo si ula-kac ah loo xidh-xidhay, isagoo Madaxweynaha Kenya sheegay inay Soomaalidu dhibaato ku hayaan dalkooda, sidaa awgeedna ay iska qabanayaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.