Kulmiyihii Shalay Iyo Kulmiyaha Maantu Isku Kulmiye Maaha

 Qalinkii Khadar Jaamac Dirir – Tan iyo intii laga soo maqnaa shirweynihii 3-aad ee lagu soo gabgabeeyey hotel Mansoor waxaa is soo taray khilaafka cakir ee ka dhexjira xisbiga KUMIYE gudihiisa, taas oo soo shaac bixisay inuu xisbiga kulmiye ku faani jiray dimuquraadiyad, laakiin immika ay ka soo ban-baxaday in aanay ka jirin wax la yidhaahdo dimuquraadiyad oo awooda cidna si u adeegsanayso.

Maalintii jimcaha ayay ahayd markii gudidii qabanqaabada shirweynaha 3-aad ee xisbiga kulmiye ku dhawaaqay saami qaybsiga beelaha iyo gudida fulinta ee golaha dhexe.

Laakiin arrintaasi waxay u qudh-qudhsami weyday hogaanka sarre ee xisbiga KULMIYE oo diidmo fool xun ku qaabilay weedhaha ka soo yeedhay gudidii qabanqaabada  shirweynaha 3-aad ee xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye Muuse oo dhawaaqa kooxdaasi ku tilmaamay beentii qarniga oo

warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Ma aqbalayno go’aanka guddii qabanqaabada shirweynaha KULMIYE, wuxuu ku eeka shirweynihii saddexaad ayay iyaguna isku muddo ahayeen oo wuu ka dhammaaday xilkii ay hayeen.”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse

Isla xalay ayuu guddoomiye Muuse Biixi ku dhawaaqay gudida fulinta ee xisbiga kulmiye meeshan ka saaray dhawaaqi hore uga soo yeedhay gudidii qabanqaabada shirweynaha kulmiye.

Balse muranka soo noqnoqnaya ayaa salka ku haya in awooda xisbiga meel qudha uu ku biyo shubta. Laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in xisbul-xaakiimkii KULMIYE ku midaysnayn in jiho-qudha loo socdo oo laga badbaadiyo burbur xisbiga ku yimaada, maadaama oo xisbigii kulmiye khilaaf hadheeyey maxaad ka filaysa jihada loo socdo oo ah in doorasho iyo diiwaangelin laga dhaqan galiyo dalka curdinka ah, maadaama oo kulmiyihii shalay iyo kulmiyaha maantu aanu ahayd isku kulmiye.”

Qalinkii: Khadar Jaamac Dirir

Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.