Somaliland oo Dilka Abwaan Jaamac Kediye ku eedaysay Kooxo Argaggixiso ah

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi aanu ku dhicin Madfac Ciidammada Somaliland ridden,  waxayna dilka Abwaanka ku eedaysay kooxo argagixiso ah.

Abwaan Jaamac Kediye
Abwaan Jaamac Kediye Cilmi 

Abwaan Jaamac Kediye, ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii shalay u geeriyooday uu Gaadhigiisa ku dhacay Madfac isaga oo ku sugnaa magaalada Laascaanood ee uu dagaalku ka socday tan iyo bilawgii Febraayo ee sannadkan 2023-ka, isla markaana waxa uu Marxuumku u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay Madfacaas oo Kooxda SSC-Khaatumo iyo Maamulka Puntland ku eedeeyeen inay Ciidammada Millateriga Somaliland ku rideen Laascaanood.

Haseyeeshee, War-saxaafadeed Khamiistii maanta ka soo baxday Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Abwaan Jaamac Kadiye uu ku dhintay gacmaha kooxo argagixiso ah oo la yaqaan.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay ka murugaysan tahay in ay ku dhawaaqdo dilkii naxdinta lahaa ee Abwaankii caanka ahaa ee Jaamac Kadiye, oo ahaa shakhsi laga jecelyahay Hiddaha iyo Dhaqanka waddanka… Waa arrin murugo leh in aannu ku dhawaaqno in uu ku baxay gacmaha argagixiso caan ah shalay”.

Somaliland waxay sheegtay in dilka loola jeeday in magaca lagaga xumeeyo Somaliland, isla markaana la abuuro dhaqan cabsi-gelin ah. Waxa kale oo ay xustay in eedda loo soo jeedinayo Somaliland ay been tahay, isla markaana ay samayn doonaan baadhis madaxbannaan si kuwii dilka geystay cadaaladda loo horkeeno.

Waxay intaa ku dartay in Somaliland ay u taagan tahay nabad, midnimo iyo cadaalad, isla markaana waxay beesha caalamka ugu baaqday inay cambaarayso dilka argagixisadu u geysanayso shacabka, sida warxinta lagu yidhi.

Kooxda la baxday SSC-Khaatumo, ayaa dhankeeda dilka Abwaanka ku eedaysay in ay ka danbeeyeen Ciidammada Somaliland ee ku sugan duleedka magaalada Laascaanood, kuwaas oo lagu eedeeyay in mid ka mid ah Madaafiic ay soo rideen haleelay Gaadhiga Abwaanku watay.

Geesta kale, Allaah ha u naxariistee, Marxuum Abwaan Jaamac Kediye Cilmi, ayaa Khamiistii maanta lagu aasay magaalada Gambadha oo illaa 30KM dhina Bari ka xigta magaalada Laascaanood, waxaana aaskiisa ka qayb-galay Masuuliyiin Maamulka Puntland ka tirsan, Hoggaanka Siyaasadda ee Kooxda SSC-Khaatumo, Abwaanno, Madaxda Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.