Maxaa Ka Dhacay Fadhigii Baarlamaanka Itoobiya ee Maanta?

Addis Ababa (aftahannews):- Baarlamaanka federaalka Itoobiya, ayaa gelinkii dambe ee Isniinta maanta ansixiyey bayaanka xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay deegaanka Axmaarada toddobaadkii hore oo ay hore u soo meelmariyeen Golaha Wasiirrada Itoobiya.

Fadhiga Baarlamaanka, waxa ka dhashay buuq iyo dood adag oo ay Mudaneyaasha qaarkood si adag ugaga soo horjeedsteen go’aanka ay dawladda federaalku xaaladda degdegga ah ugu soo rogtay deegaanka Axmaarada iyo xadhig ay laamaha ammaanku kula kaceen Xildhibaanno ka soo jeeda deegaankaas oo toddobaadkii hore la xidhay.

Wasiirka caddaaladda Tesfaye Beljige ayaa su’aalo adag ay mudaneyaashu ku miiseen, waxaana ugu dambayntii ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen bayaanka xaaladda degdegga ah oo lix bilood soconaysa.

360 Xildhibaan, ayaa ka soo qayb-galay fadhiga, waxaana in la ansixiyo ka soo horjeedstay 16 Mudane, halka 12 kalena ay ka aamuseen, kuwaas oo dhammaan ka soo jeeda deegaanka Amxaarada.

Waxa kale oo Baarlamaanku uu sameeyey guddi baadheyaal ah oo dabagal iyo baadhitaanno ku sameeya gabbood-fallada iyo waxyaabaha sharciga baalmarsan ee ka dhaca deegaanka Axmaarada muddada lagu jiro xaaladda degdegga ah.