Maxkamadda Ciidammada Soomaaliya oo Bilawday Dacwadda Ganacsato inay Hub Al-Shabaab u wadeen ku eedeysan

Muqdisho (aftahannews):- Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa Khamiistii maanta markii ugu horreysay la horkeenay eedeysanayaal loo haysto agab Millatari oo lagu qabtay Dekedda magaalada Muqdisho.

Saddex Nin oo ganacsato Soomaaliyeed ah oo la sheegay inay qalabkan ka soo dejiyeen Dekedda Muqdisho iyo Darawaliinta Gaadiid xamuul ah oo loo diyaariyay inay qalabkan u qaadaan deegaannada Al-shabaab ku sugan tahay, ayaa Maxkamadda la horgeeyey maanta.
Dembi-baadhe ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa Maxkamadda ka sheegay in qalabkani uu yahay qalab casri ah oo lagu fulin karo howlgallada qorshaysan ee habeenkii la sameeyo.  Wuxuu sheegay in haddii uu gacanta u geli lahaa kooxda Al-shabaab ay ka dhalan lahayd halis amni oo aad u wayn.
Ganacsatada loo haysto inay qalabkan soo geliyeen dalka, ayaa sheegay inaanay wax lug ah ku lahayn arrinkan, iyaga oo ku dooday in la khiyaameeyey oo alaabtan lagu soo dhex qariyay Konteenarka lagu soo qaaday badeecaddooda ganacsi.
Xeer-ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidammada Soomaaliya, ayaa Maxkamadda ka codsaday inay ciqaab adag oo kiiskooda waafaqsan ku riddo Eedaysanayaasha loo haysto inay dalka soo geliyaan qalabka Militari ee la sheegay in loo waday kooxda Al-shabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in ay Maxkamaddu sii wadayso dhegaysiga kiiskaan inta laga gaadhayo gebogabada Dacwadda.