Dagaallo ka Dhacay Gobolka Bakool oo ay Dad badani ku Dhinteen

Bakool(Aftahannews):- Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa VOA u sheegay in tobannaan qof ay ku dhinteen dagaal ka dhacay tuulada Caato oo u dhow meel u taal xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaalladan ayaa dhacay saaka subaxdii kadib markii al-Shabab ay weerartay tuulada saacadiohii hore ee saaka.

Maxamed Cabdi Tool ayaa VOA u sheegay in ku dhowaad 40 qof ay dhinteen kuwaasi oo 27 qof ay yihiin maleeshiyada deganaka Tabato oo iskugu jira Soomaali iyo kuwo dhinaca Itoobiya ah iiyadoo dhinaca Al-Shabab ay ka dhinteen 12.

xigasho VOAsomali.com.