Madaxweyne Biixi oo Sheegay inay Jabi Doonto Cidda Somaliland Dagaal Ku Soo Qaaddaa

Berbera (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cidkasta oo dagaal ku soo qaadda Somaliland ay iyagu jabi doonaan oo aan cidina waxba yeeli karin Qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu ku dhagax-dhigay qaybo cusub oo lagu kordhinayo Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, ayaa sheegay in qaranka Somaliland meel uga soo wada-jeedo, lana dagaalamayo cid kasta oo halis ku ah ammaanka Dalka.

“Adduunyada Ilaahay waxa uu abuuray shar iyo khayr oo ay nolosha Bani’aadamku ku xidhan tahay, markasta oo wanaagga, horumarinta loo jeesta oo wanaag la doonayaba cid shaydaan u adeegaysa ama shaydaanba wato oo dhibaato ama wax ummadda dibudhac ku samaynaya la timaaddaa jira.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wataa, wax uu intaas ku daray; “Aniguna waxan leeyahay cidda maanta dhibaatadaa Somaliland dhibaatadaa ku abuuraysaa waa cadowga Somaliland oo doonaya inaanay Somaliland horumar dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba aanay samaynin.”

Madaxweyne Biixi, waxa uu kalsooni ka muujiyey shacabka Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaanse ku kalsoonahay in shacabka Somaliland meel uu joogaba ka midaysan yahay inuu u jeesto horumarka, kana hortago wax kasta oo ka hor imanaya nabadda, horumarka, dawladnimada iyo qarannimada Somaliland, waana ta aynu iskaga difaacayno.”