Somaliland: Khasaaraha Booliiska ka Soo Gaadhay Dagaal Dhexmaray Jabhadda Gacan-libaax

Hargeysa (aftahannews):- Taliyaha Booliska Somaliland, ayaa caawa sheegtay in 9 Askari oo ka tirsanaa Ciidammada Boolisku ay ku dhinteen dagaal Jimcihii maanta ka dhacay Tuulada Go’ada yar oo ka tirsan gobolka Saaxil, isla markaana ay ku dhaamacmeen 17 Askari oo kale.

Dagaalka, ayaa dhexmaray Jabhad dhawaan isku urursatay Buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil iyo Ciidammo Boolis ah oo Dowladdu geysay Buurtaas markii Jabhaddu gashay ka dib.

Dhinaca Jabhadda lama oga khasaaraha ka soo gaadhay dagaalka oo iyagu bilaabay sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo isaga iyo Wasiirka arrimaha guduhu caawa warbaahinta kula hadleen Hargeysa.

Taliyaha Booliska iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin,  waxay ka hadleen muddaharaadyo Jimcihii maanta ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo dadka dhigayey ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan dagaalka ka dhacay Gacan-libaax.

Haddabs, Hadalka Taliyaha Booliska Somaliland iyo Wasiirka arrimaha gudaha oo faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-