Jabhadda Gacan-libaax oo Afduubay Laba Gaadhi oo Hello Trust leedahay iyo Hal Darawal

Oodweyne (aftahannews):- Jabhadii dhawaan gashay Buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa Subaxdii hore ee Arbacadii maants laba Gaadhi iyo Nin ka afduubtay deegaanka Daba-gorayaale oo ka tirsan gobolka Daadmadheedh, halka ay 4 Askari oo Boolis qoryaha ka qaateen.

Masuuliyiinta deegaanka ayaa saxaafadda u sheegay in Jabhadda oo watay laba gaadhi oo Laangaruusallo ah markii ay Askarta qoryaha kala wareegeen ay afduub u geysteen laba Gaadhi oo ay lahayd Hay’adda Miino miino-baadhista ee Hello Trust, iyo Darawal Hay’adda u shaqaynayay oo magaciisa lagu sheegay Axmed Aadan.

Jabhadda oo aan ku sii raagin Daba-gorayaale, ayaa u dhaafay dhinaca magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daadmadheedh, waxaanay dhaawac u geysteen Hal Askari oo Boolis ah.

Dhawaan, ayay isla Jabhaddani afduub u geysteen 8 Qof oo isugu jira Saraakiil ciidan iyo odayaal isku dayay in ay la hadlaan, oo ku qanciyaan in ay hubka dhigaan,  balse markii danbe way soo daayeen.