Soomaaliya iyo Kenya oo Kala Saxeexday Heshiis Muhiim ah

Nairobi (aftahannews):- Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa kala sexeexday heshiis iskaashi oo la xidhiidha dhanka duulista iyo hawada.

Wasiirka Duulista Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa Arbacadii maanta heshiis la xidhiidha Hawada iyo Duulista kula saxeexatay magaalada Nairobi dhiggeeda dalka Kenya Kipchumba Murkomen.

Heshiiskan, ayaa bud-dhig u noqonaya in diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya oo dowladda Soomaaliya ay siisay ruqsada shaqada in ay ka howlgeli karaan dalka Kenya.

Arrintan, ayaa qeyb ka ah dedaallada ay waddo Wasaaradda Duulista, taas oo ku aaddan in dhammaan diyaaradaha ka diiwaangashan dalka Soomaaliya ay duullimaadyo caalami ah ka sameyn karaan waddanka Kenya.

Sidoo kale, heshiiskan wuxuu xoojinayaa wada shaqaynta duullimaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo aan isu socodkooda hawada iyo dhulku fiicnayn.