Madaxweyne Xasan Sheekh Muxuu Kala Hadlay Madaxda iyo Odayaasha Galmudug?

Dhuusamareeb (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii maanta magaalada Dhuusamareeb kulammo gaar-gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Madaxweynaha, ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada ay argaggixisada Al-shabaab kaga hadhsan yihiin Galmudug, waxaanu tilmaamay qorsheyaasha ku saleysan kala qeybinta dadka deegaanka iyo isku dirkooda ee ay maleegayaan argaggixisadu, si ay u sii cimri-dheeraystaan, una hor istaagaan nolasha iyo horumarka Bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Galmudug ay tahay argaggixisada Al-shabaab, haddii la dhammeystiro xoreynta deegaannadana ay fududaanayso in la hirgeliyo mashaariicda horumarinta, dhismaha iyo hirgelinta adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug u baahan tahay.