Taariikhdii Fannaankii Xasan Ismaaciil Uurcadde (Tuse) oo Ku Geeriyooday Hargeysa

Qalinka Cali Caanodhame .. Innaa Lillaahi Wa innaa ileyhi Raajicuun

Waxa caawa geeriyooday AHN Fannaankii Weynaa #XASAN ISMAACIIL UURCADDE (TUSE).

Allaah ha u naxariisto marxuumka, Qoyska uu ka baxay, Bahda Fanka iyo Dhammaanteenba Samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo …aamiin.

AHN Xasan Ismaaciil oo in badan oo bulshada ka Mid ahina ay u yaqaaneen TUSE TOOSIYE oo dabcan ahayd Naanays kasoo Raacday Riwaayadii IF iyo AAKHIRO ee Soo Baxday Sannadihii Todobaatanaadkii Oo Uu Xiddig Ka Ahaa Fannaanku, Halka ay Qalanjada Ku Wehelinaysay Ahayd Fannaanadii SAHRA SIYAAD…khaasatan Xilliyadii lagu soo bandhigi jiray fagaarayaasha, Oo Waqtiyo Danbe Dib loo soo Celiyay Dhowr iyo 80maadkii…

Halka Dhinaca kale Dad Badani Garanayaan kuna xasuustaan Riwaayadda IF IYO AAKHIRO Oo Sannadihii Sagaashanaadkii lagu soo Bandhigay Dalka Jabouti.
Waqtigaas oo Fanaanka xasan ismail ay kula Lammaanayd A.H.N.Fanaanaddii SAHRA AXMED JAAMAC.

AHN Fanaanka XASAN ISMAACIIL Waxa uu Fanka ku biiray Dabayaaqadii sannadihii 60naadkii,Xilli Hillaadii Ku Aadan 1968kii…
Waqtigaasi oo uu idaacadda u Qabtay Hees Uu Midhaheeda Lahaa CABDI QAYS Oo ka mid ah Heesaha U kaydsan radio hargeysa Una dhacaysay.

Sida mayayga roob
Ama milic Arooryaad
Ayaan kuu Muhanayaa.
Maankayga Deeqdee

Miyirkii Naftaay
Hadalkoo Midaad
Kala Miidhayoo
Aad maroorisee

Ama midigta keen
Oo ila Mushaax
Ama mayada Sheeg… (maya igu Dheh)
Mowdku ha i dilee.

Waxa sidoo kale Heesaha uu xilliyadaasi u Qabtay idaacadda Radio hargeysa Ka mid ahayd Hees uu midhaheeda lahaa Allah ha u naxariistee SAXARDIID M. CILMI JEBIYE Oo loo yaqaanno ABAAL Oo Runtii Ah Hees Waano ah dadkuna ay aad u wada jecel yihiin…oo Qaab dhismeedkeedu yahay farshaxan aad u sarreeya,isla markaana aynu halkan kusoo qaadan doonno.

Wuxu yahay abaal
Dirirkoo onkoday.

Rayskuu uree
Ama waxaynu noqon.

Irkashada dadnimo
Dar ilowsanoo
Uurka laga guntaday

Ama ubad sanoo
Ifka aayo iyo
Intifaac ka taga.

**************

AHN Xasan Ismaaciil waxa uu ahaa shakhsi xishood badan, Af gaaban oo aad u Tix gelin badan ALLAH HA U NAXARIISTO QOYSKANA SAMIR IYO IIMAAN ALLAH HA KA SIIYO …….AAMIIN. ….
Qalinkii Cali Caanodhame.