Kenya oo Qabatay Ajaaniib u Socday inay Al-Shabaab ku Biiraan

Kenya (aftahannews):- Ciidamada Booliska Kenya oo ilaalo xoogan ka sameeyay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya u dhexeeya, ayaa qabtay 6 Qof oo ajaanib ah oo doonayey inay dhanka Soomaaliya u soo gudbaan, isla markaana ku biiraan Xarakada Al-Shabaab.

Lixda qof, ayaa kala ah Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, kuwaas oo dhamaantood u dhashay Tanzania iyo  Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.

Markii su’aalo la weydiiyey, lixda qof, ayaa qirtay inay u socdeen inay ku biiraan Al-Shabaab ka dib markii ay qoreen oo ay fududeeyeen dad ku kala sigan Tanzania iyo Uganda.

Xidhitaanku waxa uu imanayaa wax yar laba toddobaad ka dib markii sidoo kale la xidhay saddex Nin oo u dhashay Tanzania oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma, kuwaas oo lagu xidhay Korakora, Garissa, ka dib markii la ogaaday inay ku wajahan yihiin Soomaaliya, si ay ugu biiraan kooxda Al-shabaab.

Dowladda Kenya, ayaa shacabka ku dhiirigelisay inay sii wadaan la wadaaga macluumaadka hay’adaha ammaanka ee Kenya.

Dadka Shacabka, ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay feejignaadaan mar walba, isla markaana ay ku soo wargaliyaan Booliiska cid kasta oo ay ka shakiyaan dhaqdhaqaaqooda.