Wasiirro iyo Masuuliyiin Kulan la Qaatay Xildhibaan Aqoonsiga Somaliland u Ololeeya

Hargeysa (aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hadhimo Sharafeed ku maamuusay Xildhibaan MP, Sir Caving Williamson oo si wayn ugu ololeleeya qaddiyada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa Xildhibaanka Xog-warran ka siiyey amniga guud ee dalka Somaliland iyo horuumarka ka socda. Wasiirku si wayn ayuu Xildhibaanka ugu mahadnaqay dedaalka uu la garab-taagan yahay Somaliland iyo qaddiyaddeeda Somaliland uu horgeeyey aqalka Baarlamaanka Ingiriiska.

Casuumaddan Xildhibaan Caving Williamson lagu maamuusay waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumaarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mustafe Cali Bile, qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidammada Qalabka sida, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Safiirka Dowladda Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Xirsi iyo Masuuliin kale.

Xildhibaan Caving Williamson, ayaa Shahaado-sharaf ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.