Wasiir qiray inuu ku jiro Wasiirro lagu eedeeyey isku-dhufashada Siilaanyo & Hoggaanka KULMIYE

Hargeysa(Aftahannews):-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa markii ugu horreysay qirtay, isla markaana shaaca ka qaaday inuu ka mid yahay Wasiirro Xumaan iyo isku-dhufasho ka dhex-wada Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiinta sare ee Xisbiga KUKLMIYE, taasoo ay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbigaasi sheegeen Jimcihii inna dhaafay.

WASIIRKA CADDAALADDA XUSEEN AXMED CAYDIID

Inkasta oo aanay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin magacaabin Xubnaha Wasiirrada ah ee ay ku eedeeyeen inay xumaanta iyo isku-dhufashada ka dhex-waddaan Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo hogagaanka Sare ee Xisbiga, haddana Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, ayaa maanta caddeeyey inuu ka mid yahay xubnaha Wasiirrada ah, isagoo ku doonay inay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad yaseen tirada Wasiirradaas ay eedeeyeen oo ay xubno ku sheegeen, balse uu qiray inay ka badan yihiin xubno kooban.

Xuseen Axmed Caydiid waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Huteel Maansoor 23 xubnood oo Guddiga Fulinta KULMIYE ka tirsan oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Afraad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), kulankaas oo lagu iclaamiyey in la qabanayo Shirkii ugu horreeyey ee ay xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE isugu yimaaddaan, iyagoo wali Guddiga Fulinta iyo Golaha dhexe ku dhawaaqistooda khilaaf ka taagan yahay, Guddoomiyaha KULMIYE-na uu soo saaray liis labaad oo Guddiga fulinta ah.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, waxa kale oo uu sheegay inay sharciyan tahay in inta badan ee Xisbiga loo hoggaansamo, shirka Golaha dhexena la qabanayo hadday iman waayaan Guddoomiya iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE oo uu xusay inuu ugu baaqayo inay Sharciga Xisbiga u soo noqdaan.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid arrimahaas kaga hadlayo.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.