Baanka Adduunka oo Soomaaliya ugu Deeqay 75 Milyan oo Doollar

Muqdisho (aftahannews):- Bankiga Adduunka, ayaa sheegay in Soomaaliya la siiyey kaalmo lacageed oo gaaraysa illaa $75 million, taas oo ah deeqdii labaad ee la siiyo Soomaaliya, si ay gacan uga geysato koboca awoodda hay’adaha dawliga ah, sida lagu sheegay war-saxafaadeed ka soo baxay Bangiga Adduunka.

Lacagtan ayaa qayb ka ah, kaalmooyin xiriir ah oo la siinayo Soomaaliya, taas oo Bankiga Adduunku uu sheegay inay ka taageerayso Soomaaliya, inay horumar ka samayso hiigsigeeda ku aaddan, inay noqoto mid si rasmi ah ugu qalanta, deyn cafinta.

Guddiga sare ee Maamulka Bangiga Adduunka, ayaa ansixiyay in Soomaaliya la siiyo Lacag dhan $75 Milyan oo Doollar, taas oo loogu talogalay kabka Miisaaniyadda dowladda dhexe.

Lacagtan Deeqda ah, ayaa si gaar ah uga timid barnaamijka horumarinta siyaasadda dhaqaalaha (DPO), sida lagu sheegay warsaxafadeed kasoo baxay Baanka Adduunka.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa si weyn u soo dhaweysay tallaabadaan oo ay ku tilmaamtay in lagu soo beegay waqtigii ugu habboonaa, taas oo sahlayso in si habsami leh ay u sii socdaan dedaallada loogu jiro kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson,ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay raacday dhabaha wanaagsan ee lagu gaarayo deyn cafinta, islamarkaana ay u baahan tahay in lagu garabsiiyo si ay uga gungaarto hiigsigeeda.

“DPF waxa uu taageerayaa rabitaanka dowladda ee ah in la dhiso aasaaska dhaqaalaha casriga ah iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Tani waxay muujinaysaa horumarka baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka samaysay dhinaca dhismaha hay’adaha dawladda iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo dhabbaha u xaaraysa mustaqbal xasilloon oo waara.” ayay tidhi Kristina Svensson oo ah Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka, ayaa sidoo kale dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku amaanay isbadalada dhaqaale oo ay sameyneyso.