“M. Biixi iyo M. Kaahin waxay wadaan damicii Madaxnimo-doon ee Qarniga ugu weynaa” Wasiir Cabdi Aw Daahir

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sheegay inay damacii Madaxnimo-doon ee ugu waynaa Qarniga ay wadaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed.

WASIIR CABDI AW DAAHIR CALI

Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu sheegay inay ka baxeen Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi heshiis la isugu soo dhaweeyey dhinacyo Xisbiga KULMIYE Madaxdiisu u qaybsanaayeen dhawr bilood ka hor, isla markaana musharraxnimada Madaxweynaha hadda talada haya loogu daayey, Muuse iyo Maxamed-na oogu daayey inaan lagula tartamin jagooyinka ay hadda ku fadhiyaan ee Hoggaanka Xisbiga.

Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Shir Jaraa’id oo ay Maanta Madaxweyne Ku-xigeenka, Xoghayaha guud iyo 23 Xubnood oo Guddiga Fulinta ee KULMIYE uu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay inay yihiin ku qabteen Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay kaga dhawaaqeen wakhtiga Shirka koowaad ee Golaha dhexe isugu imanayo isagoo khilaaf ka taagan yahay shaacinta Liisaska Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta. Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO KA DHEGEYSO CODKA WASIIR CABDI AW DAAHIR.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.