Guddoomiye Faratoon iyo Musharrax Cirro Maxay Ka Wadahadleen?

Hargeysa (aftahannews):- Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Yaasiin Xaaji Muxumed Xiir (Faratoon), ayaa Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ku booqday gelinkii dambe ee maanta gurigiisa magaalada Hargeysa.

Musharrax Cirro, ayaa bartiisa Facebook ku baahiyey qoraal uu Booqashada Guddoomiye Faratoon ugu tegay kaga hadlay iyo Sawirro ay ku wada jiraan, waxaanu qoraalkiisa ku sheegay inay ka sheekaysteen xaaladda dalka Somaliland waqtigan ku jiro ee siyaasaddan cakiran, amniga, dhaqaalaha iyo qodobbo kale, waxaanu ku tilmaamay inuu leeyahay Faratoon bisayl siyaasadeed iyo waayo-aragnimo badan.

Qoraalka Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro baahiyey oo nuqul ka mid ah Aftahannews helay, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Galabta waxaa hoyga aan ka degganahay magaalada Hargeysa booqasho & salaan iigu yimid Guddoomiyaha cusub ee aqalka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo aan uga mahadcelinayo biseylkiisa siyaasadeed iyo talo urursigiisaba.

Guddoomiye Faratoon waxa aan si qoto dheer oo faahfaahsan uga sheekeysannay xaaladda guud ee uu waddanku maanta ku sugan yahay, haddii ay tahay dhanka cakirnaanta siyaasadeed, culeysyada amni, iyo duruufaha dhaqan- dhaqaale, sida oo kale waxa aan la wadaagay khibradeydii dheereyd ee la xidhiidhay hoggaaminta aqalka Golaha Wakiilada JSL oo aan oday u ahaa in ka badan 12sanno.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada JSL waxa aanu ku ballannay, isla markaana isu dardaarnay ka wada shaqeynta dhammaan amuuraha ay udub dhaxaadka u yihiin danaha Qaranka Jamhuuriyaddu.” Sidaa ayuu qoraakiisa ku yidhi Cabdiraxmaan Cirro.