Xukuumadda Siilaanyo oo Wakiillada u gudbisay Xeerka Dhegaysiga Taleefannada iyo Hay’ad ka digtay

Shirkadda TELESOM oo sharci-darro Xukuumadda Siilaanyo, gaar ahaan Madaxtooyada iyo Laamaha War-doonka ugu fududaysay inay dhegaysan karaan dadweynaha iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah Taleefannadooda iyo waxay ku wadahadlayaanba.

Hargeysa(Aftahannews):- Xarunta Xuquuqal Iinsaanka (Human Rigthts Center) xafiiskooda magaaladda Hargeysa, ayaa Baarlamaanka Somaliland uga digay inay ansixiyaan Xeerka ka hor-tagga iyo la-dagaallanka Argagixisada oo ay Xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada, kaasoo xaddidaya xuquuqo badan oo Dastuurku u dammaanad-qaaday Muwaaddiniinta Somaliland.

Mobile-Phones

Tallaabadan ayaa imanaysa wakhti ay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland, gaar ahaan Shirkadda TELESOM Madaxtooyada iyo Laamaha Sirdoonka ay hore ugu fududaysay dhegaysiga Taleefannada dadka Somaliland jooga iyo cidkasta oo la soo xidhiidhaaba waxa ay ku wadahadlayaan, taasoo ay TELESOM sharci-darro ugu hirgelisay tan iyo saddexdii sano ee u dambeeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, maaddaama oo ay tahay shirkadda Kaadhkeeda Taleefanka ee lagu isticmaalo Mobile-ka ay Bulshada Somaliland boqolkiiba 85 sitaan, taasoo ay dheer tahay in si gaar ah loo dhegayso Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, iyaga oo Masuuliyiin Xisbiga UCID ka tirsani marar hore ka hadlay arrintaas oo ay ku tilmaameen sharci-darro iyo xad-gudub ay Xukuumadda oo Shirkadaha Isgaadhsiinta, gaar ahaan TELESOM adeegsanaysaa ay dhegaysato Tilifoonnadooda gacanta ee Kaadhka Telesom iibiso.

Xeerka ayaa sidoo kale dhabarka ka jabinaya xoriyatul-qawlka, isla markaana dawladda u oggolaanaya inay dhexgasho oo ay dhagaysato telefoonnada, abuurayana in dacwadaha loo dhegaysto si qarsoodi ah, halka uu Xukuumadda siinayo awoodo badan oo ay ku mamnuucdo mu’asasaadka.

Waxaana sidaasi lagu sheegay War-Saxaafadeed ay soo saartay xarunta Xuquuqda Aadamaha u doodda ee magaalada Hargeysa, waxaan War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews u qornaa sidan:-

“Dawladda Somaliland waxay Baarlamaanka u gudbisay xeerka ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada oo ah xeer ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha. Golaha Wasiirada ee Somaliland waxay u gudbiyeen Golaha Wakiilada Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada. Xeerkan cusubi wuxuu ku yahay xad-gudub dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

Wuxuu jebinayaa xoriyaadka iyo xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ku jiraan xorriyadda ra’yi dhiibashada, xoriyadda is-gaadhsiinta, xoriyadda bannaan-baxa, dacwad qaadis xaq ah iyo xaqa is-difaaca, xoriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xoriyadda is-abaabulka.

Xeerkan qabyada ahi wuxuu u qeexayaa argagixisonimada si balaadhan oo daba furan. Qeexidda aragagixisonimo ee ku jirta xeerkan waxay keenaysaa cadibaad iyo in lagu dabaqo ficilo balaadhan oo aad u kala duwan.

Xarunta Xuquuqal Insaanku arimaha badan ee ay ka welwelsan tahay ee ku jira xeerka waxa ka mid ah:

1. Wuxuu abuurayaa in dacwadaha loo dhegaysto si qarsoodi ah iyada oo aanay ka soo qayb-galin cidda la eedaynayo iyo cid metelaysa tooni

2. Wuxuu siinayaa dawladda awoodo badan oo ay ku mamnuucdo mu’asasaadka

3. Wuxuu ogolanayaa in la dhexgalo oo la dhegaysto is-gaadhsiinta dadka sida telefoonada, boostada IWM kadibna loo adeegsado cadayn ahaan

4. Wuxuu awood baaxad leh u siinayaa Booliiska inuu dadka xidho isaga oo aan wadan amar qabasho

5.Wuxuu ogolaanayaa in la qabto oo lala wareego hantida dadka iyada oo aan loo marin hanaan sharci

6.  Wuxuu abuurayaa hab dacwadeed siinaya booliiska iyo xeer-ilaalinta awoodo fara badan islamarkaana wuxuu xadidayaa xaqa dastuurku damaanad qaaday ee dadku u leeyihiin inay iska difaacaan maxkamada horteeda

7.  Xeerku waa mid madmadow badan oo aan cadayn

8.  Ciqaabaha ku jiraa waa kuwo naxariista ka fog oo aan u dhigmin ficilada dadka lagu ciqaabayo

9.   Wuxuu ogolaanayaa in la diido diiwaangelinta ururada samafalka ah iyo in lagala noqdo diiwaangelinta ururada samafalka ah.

10. Wuxuu ku yeelan doonaa saamayn xun xawilaadda lacagaha

11. Waxa ku jira dembiyo ay maamulayaan xeerar kale sida dembiyada la xidhiidha duulista madaniga ah kuwaas oo ku jira xeerka duulista madaniga ah oo isna horyaal Golaha Wakiilada

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa:

• Golaha Wakiiladu inuu diido Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada

•  Dawladdu inay dib ula noqoto xeerkan ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha

•   In xeer kasta oo loogu talo galay in lagula dagaalamo argagixisada uu noqdo mid waafaqsan dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.”

Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Ciidammada Sirdoon, C.I.D-da iyo Madaxtooyada, ayaa la ogyahay inay dhegaystaan Taleefannada lagu wadahadlayo ee gudaha Somaliland ka baxaya iyo kuwa soo galaya, tallaabadaas oo sharci-darro iyo xad-gudub ah oo ay Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka jira, gaar ahaan Shirkadda TELESOM ay u fududaysay inay Madaxtooyada iyo laamaha Sirdoonku dhegaystaan waxay shacabka ee Asxaabta, Faamliga iyo qoysaska ahi ku wadahadlayaan, waxaanay Shirkadaha iyo Xukuumadda Axmed-Siilaanyo-ba meel kaga dheceen xuquuqdii xorriyadda hadalka iyo wada-xidhiidhka bulshada ee dhinaca Taleefanka oo xuquuqdoodu u dhawran tahay labada qof ee wadahadlaya sharciyan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.