Lafa-gurka Qaybta 1-aad iyo Taxanaha Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa Maalintii 4-aad #hibf2023

Hargeysa (Aftahannew) – Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ka socota magaalada Hargeysa, ayaa gashay Maalintii Afraad, waxaana lagu soo bandhigay doodo, nuxurka Buugaag kala duwani xambaarsan yihiin, Fan, Suugaan, Cilmi-baadhisyo iyo Xogo kale oo soo jiitay ka qaybgalayaasha.

Carwada oo ka socota Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, isla markaana Maalin walba si taxane ah Masraxeeda loogu casuumo Dadka Bulshada Magaca ku leh, Aqoonyahannada, Qoraayada, Abwaannada iyo Qaybaha kale ee Bulshada si loo falanqeeyo Mawduucyada Jadwalka ku jira, ayaa Maanta waxa lagu falanqeeyay Buugaag bulshada muhiim u ah, kuwaasi oo xambaarsan macluumaad kala duwan.

Sidaa awgeed, marka koowaad waxa
masraxa lagu marti-qaaday
Qoraa Cabdinaasir Sahal oo uu wehelinayay Weriye Cabdisalaan Hereri oo barnaamija daadihinayay.

Qoraaga Buugga “Hoggaamintii Mahathir” ayaa si kooban wax uga sheegay taariikhdii Mahathir iyo hoggaamintiisii dalka Malysia oo sababay in dalkaasi dhaqaale ahaan iyo xaddaarad ahaanba si weyn u koray.

Sidoo kale, wuxuu qoraagu sheegay in uu la dhacay hoggaaminta Raysal- wasaarihii 7aad ee dalka Malaysia isla-markaana uu ugu magac daray mid ka mid ah ubadkiisa.

Qoraaga ayaa ku ammaanay Mahathir hoggaamintiisii, sidoo kale sheegay in buuggan ay akhriyeen madaxda Somaliland gaar ahaan Madaxwene Muuse iyo Mayor Cabdikariin Axmed Mooge.

Cabdisalaan Hereri ayaa ku darsaday qodob taariikhi ah, kaas oo ah in dalka Malaysia Soomaalidu bilaa fiise ku gasho, sababta oo ah reer Malaysia ayaa guud ahaan Soomaalida u haya abaal weyn, abaalkaas oo ahaa in badhtamihii toddobaatameeyadii abaar darani ka dhacday dalka Malaysia, markaas oo dowladdii Soomaaliya ee xilligaa talinaysay u dirtay markab xoolo iyo khudaar iskugu jira, abaalkaas oo noqday mid laga xasuusan yahay dalkaasi, waxaana mucjiso ah in dalkii xilligaa wax caawinayay uu burburay oo isaga la caawinayo, halka kii la caawin jirayna safka hore kaga jiro dalalka barwaaqo sooranka ee wax caawiya, taas oo ay sababteeda lahayd hoggaaminta wanaagsani.

Gunaanadkii barnaamijkaas ayaa lagu soo khatimay su’aalo dhawr ah oo qoraaga la waydiiyay isla goobtana uu kaga jawaabay.

Sidaas oo kale, waxa Masraxa xarrunta dhaqanka Hargeysa lagu soo casuumay dhalinyaro aqoon leh oo kala ah Laki Qaasim, Kamaal Cadnaan, Axmed Yuusuf iyo Sacad Maxamed oo daadihinayay barnaamijka

Mawduuca la falanqaynayay ayaa ahaa Doorka Dhalinyarta Somaliland ku leeyihiin Nabadda iyo xasiloonida.

Da’ yartaa masraxa saarnayd ayaa si talantaali ah u wadaagay mawduuca kor ku xusan. Waxay sheegeen doorka ay ka ciyaareen hindisaha, sida tababbar la siiyo dhallinta, in la shaqaalaysiiyo iyo in loo carbiyo sidii ay u shaqayn lahaayeen.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay si lacag la’aan ah ugu heelan yihiin dhalinta da’da yar si aan xadgudub ugu dhicin iyo in ay u doodaan qof kasta oo xuquuqdiisa la duudsiyay.

Dhalinyartan oo u badnaa sharci yaqaano ayaa ku dheeraaday sida ay ugu halgamayaan da’ yarta shaqo la’aanta iyo duruufaha la il daran iyo sidii ay u dhiiri gelin lahaayeen.

Laki Qaasim oo ka mid ahayd martida masraxa saaran ayaa sheegtay in ay kalideed laba boqol oo hablood tababbar siisay, iskuna hawshay in ay shaqo u raadiso dhamaantood.

Waxa kale oo ay xustay in ay caqabado badan kala kulantay dadkaa ay lacag la’aanta ugu adeegayso, sidoo kale ay caqabado kala kulanto goobaha ay shaqada uga codsanayso da’ yartaa ay soo carbisay.

Gunaannakii mawduucaasi, waxa lagu soo xidhay su’aalo iyo jawaabo.

Sidaas oo kale, waxa Maalinta afraad ee Carwada Buugaagta Hargeysa masraxa Xarunta dhaqanka lagi casuumay Qoraa Isra Cali Xasan Banfas oo soo bandhigtay buugga “Gobanimo iyo Galool” barnaamijkaas oo uu daadihinayay Cabdirisaaq Oday

Qoraa Isra, waxay sheegtay in buuggan uu gacantiisa ku qofay Cali banfas isagoo ka qoray macalinkiisii abwaan Barkhad Cas, halkaas oo uu ku ururiyey suugaantiisii, taariikhdiisii iyo doorkiisii gobanimo-doonka.

Isra oo ahayd shakhsiyadda nasiibka u yeelatay inay soo bandhigto buugga ayaa waxay ku dheeraatay halgankii dheeraa ee abwaanku soo maray iyo juhdigii uu galiyay Soomaalida, halgankaas oo uu iskula doonanayay shanta Soomaaliyeed.

Waxa kale oo ay isra sheegtay in abwaanku ka qayb qaatay gobanimadii Jabuuti, halkaas oo uu suugaan ka tiriyay.

Qoraaga buugga “Gobanimo iyo Galool”, ayaa faahfaahin ka bixisay nuxurka buuggu xambaarsan yahay, iyo mawduucyada kala duwan ee isla buugga ku xusan.
Sidoo kale waxa masraxa xarunta dhaqanka lagu marti qaaday aqoonyahanno kala ah
Axmed Cumar, Ayaan Yuusuf Cali, Sureer Xuseen Bulxan, Cabdixakiim Cismaan.

Xubnahaas oo naqdiyaysay Daraasad lagu soo bandhigay Hargeysa, mashruuca daraasaddan oo ay diyaariyeen waddamada afarta ah ee kala ah Somaliland, Zimbabwe, Bangladesh iyo Siri lank, diiradda lagu saarayay kaabayaasha aasaasiga ah oo ay ugu horreeyaan biyuhu.
Aqoonyahankaas ayaa kala caddeeyey wixii saamayn leh iyo wixii manfac leh ee daraasaddaa ka soo baxay, iyagoo qaab muuqaal ahna film kartoon ugu muujiyay shaashadda xarunta si ay fahanka daraasadda dadka u deeqsiiyaan.

Sidoo kale waxa Buugaag dhawr ah soo bandhigay qoraayo kala ah Cabdikariin Xikmaawi oo qoray buugga “Saqalayn”
Xamse Yaasiin Muxumed oo qoray buugga “Rajadii Sii Lumaysay”, Nasra Maxamed Shukri oo qortay buugga “Codkii Sixirka”, Maxamed Cabdi Cali ‘Qaamuus’ oo turjumay buugga “Muu akhriyo Waalidkay”, Khaalid Ciise Xaaji Nuur oo turjumay buugga “Jiraalkay 1&2”, Cabdirisaaq Sandheere oo turjumay buugga “Sirdoon” qoraayadaas oo si farshaxan leh u bayaamiyay buugaagtooda, iyadoo bulshaduna soo dhaweysay tallaabada ay soo kordhiyeen, laguna habay sacab iyo yididiilo badan. Intaas ayaa lagu soo gebogabeeyey qaybtii 1aad amma gelinkii hore ee maalinka afraad ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee ka socda Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa .