Qiimaha Masrixiyadda Suugaanta Soomaalida iyo Maalinta 3aad ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo Laysku Arkay

Hargeysa (aftahannews) – Iyada oo ay si Xidhiidh ah u socdaan Doodaha iyo Bandhigyada ka socda Carwada 16aad ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo Maalintii saddexaad lagu jiro, waxa gelinkii dambe Masraxa guud ee xarunta dhaqanka lagu casuumay Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ah Qoraa iyo aqoonyahan xeel-dheer oo qoray buugga “Riwaayad Qoraal”, waxaanay ku wehelinayey Ibraahin Jaamac Reyte oo ah xildhibaan hore oo barnaamijka daadihinayay.

Ugu horayn, waxa barnaamijka lagu ibo-furay qofka uu yahay Cartan, halkaas oo lagu qeexay in uu yahay masrax yaqaan, siyaasi, qoraa iyo nin suugaanta la saaxiib ah.

Waa markii u horaysay ee buug lagu qoro riwaayad Soomaali ah ee la soo bandhigo, waxaana la odhan karaa inta la ogyahay Cabdiraxmaan Cartan inuu yahay Qofkii ugu horeeyey inta Soomaaliga ku hadasha, sida uu sheegay Xildhibaan Reyte oo ku dheeraaday shakhsiyadda Cartan oo uu xusay inuu macalinkiisii ahaa toddobaatameedyadii.

Cabdiraxmaan Cartan Oo wax ka taataabtay taariikhdiisii hore iyo waayo- aragnimadii uu dhaxlay, ayaa dhankiisa ku fogaaday ahmiyadda masraxiyadda oo uu aqoon ahaan uga bartay Jaamacad, wuxuuna sheegay in masraxu yahay qalab lagu gudbin karo afkaarta oo dadka wax loogu sheego, yahayna qalab ku soo kordhay suugaanta Soomaalida.

Qoraa Cartan, ayaa sheegay in ay fiicnaan lahayd in la qori lahaa riwaayadihii hore loo jilay oo suurto-galin lahayd inay qarniyo badan sii jiri lahaayeen, wuxuna wax laga xumaado ku sheegay in riwaayado badan oo muhiim ahaa ay dhinteen, maaddaama oo aan qoraal ahaan loo kaydin.

Cartan, wuxuu faahfaahiyay sababta uu buugga u qoray iyo ujeedka uu ka lahaa, isagoo ku deeraaday dhiiri-gelinta dhalinyarada ee dhinaca qoraalka, si gaar ahna wuxuu ula hadlay Jileyaasha matala Riwaayadaha oo uu kula taliyay in ay qoraan wax kasta oo ay jilayaan.

Ugu dambayn, qoraagu wuxuu talo iyo tilmaanba siiyay bulshada Somaliland si ay iskugu dayaan in ay Riwaayad allifaan, wuxuna ku booriyay in ay samayn karaan oo aanay riwaayaddu hees iyo gabay kaliya ku koobnayn, balse hees la’aan riwaayad la jili karo, lana qori karo.

Sidaas oo kale, waxa Maalinta saddexaad Masraxa Xarunta dhaqanka ee Hargeysa lagu marti qaaday qoraa Cabdicasiis Guud-cadde iyo aqoonyahan Sureer oo sharraxaad ka bixiyey nin la odhon jiray Fanon, kaas oo loogu magac daray mid ka mid ah jaamacadaha Hargeysa ku yaalla.

Barnaamijka daadihinayay Dr. Jaamac Muuse Jaamac, waxa si gaar ah loogaga fikraddii Aqoonayahan Fanon oo ahaa nin aad ula dagaalamay midab-sooca ama Midab-takoorka, afkaar badanna laga dhaxlay.

Waxa la xusay inuu Nin madow oo gobonimo doonka u dagaalamayay isla markaana aad ugu dooda dadka madow, una hiilinayay intii uu noolaa oo ahayd 36 sanno, balse uu noqday shakhsi fikraddiisu saamayn badan yeelatay.
Waxa ay sheegeen inuu Wax Qori jiray xilligii Afrika xoriyadda qaadatay isaga oo aaminsanaa in aan Afrika xorriyad rasmi ah qaadan ee ay weli jirto guumaysigii maskaxeed, isagoo ku tusaalyeeyey qof madow oo af-saab (mask) cad xidhan, kaas oo uu ula jeeday gumaysigii maskaxeed weli wuu joogaa.

“Afkaarta uu soo kordhiyayay Fanon waxa ka mid ahaa in uu wax ka qoray in aan qofka khasaaray laga quusan, qof kastana uu si uun waayuhu u halakeeyey. Sidoo kale, waxa uu Fanon soo kordhiyay fikradda ah in aan cidba nacayb loo muujin iyo in qof waliba uu ku dhaqaaqo wuxuu naf ahaan u jecelyahay oo aanu niyad jabin.

Sababta Fanon mawduuca loogu soo qaatay ayaa ahayd in ay weli jiraan gumaysi qarsoon iyo xorriyad la’aan maskaxeed amaba ay dunida badhkeed ka jiraan midab-sooc iyo takoor midab ahaan, si taas looga baxana ay tahay in loo baahan yahay in la sii wado halgankii Fanon, lana xoreeyo dadkeena waayuhu nugleeyeen ee duruufuhu u jabiyeen dunida kale.

Waxa kale oo ay sheegeen in wax laga barto taariikhdii Fanon, isla-markaana la xoojiyo waxbarashada, sidoo kale la diido cid kasta oo la dulmiyo iyo qof kasta oo lagu tacaddiyayo.
Waxa kale oo mawduuca qaab maqal iyo muuqaal ah uga qayb-qaatay Maxamed oo ah Cilmi-baadhe deggan daka Canada ahna arday ku gudo-jira waxbarashada jaamacad, wuxuuna si guud uga hadlay ereyga (Decoloniality) oo ah gumaysi-jacayl iyo halka adduun waynuhu ka taagan yahay, Guumaysiguna wuu midabo badan yahay ee mar walba loo kuur-galo sidii dadkeenna looga saari lahaa fikir ahaan iyo maskax ahaan.

Ugu dambayn, waxay bulshada la wadaageen dhawr su’aalood oo isla goobtaa war-celintoodii lagu bixiyay.

Sidoo Kale, waxa Maalinta saddexaad ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa, masraxa xarunta dhaqanka lagu marti-qaaday laba qoraa oo kala ah Muuse Cabdi oo qoray buugga “Ibnu-khalduun” iyo Cabdicasiis Maxamed Yoonis oo qoray buugga “Maal-qabeen”, waxaana barnaamijka daadihinayay Cabdibaasid Bashiir
Labada qoraa, ayaa si kooban u sharraxay sababta ay buugaagta u qoreen iyo ujeeddada ay bulshada ugu soo bandhigeen, waxayna sidoo kale sheegeen in aan wax caqabad ahi ka hor iman marka laga reebo raadinta xogaha iyo waqtiga ka galay.

Waxay sidoo kale aad u sharraxeen xogta buugaagtooda ku duugan oo ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen.
Labada qoraa ayaa ka sheekeeyey faa’iidada la taaban karo ee qalinku leeyahay iyo manfaca muuqda ee qoraalka iyo akhrisku leeyahay, iyagoo ugu baaqay bulshada in ay u soo jeedsadaan akhriska iyo qoraalka.
Ugu dambayn, waxay goobta bulshada kula wadaageen waydiimo dhawr ah oo khuseeya buugaagtooda, halkaas oo lagu sii galbiyay sacab badan.

Gebogabadii, Iyada oo ay si qummaati ah u socoto xafladda bandhigga buugaagta ee Hargeysa, waxa mudan in aynu ogaanno jewiga laga dareemo habeenkii marka ay goor sheegtu gaadho 8-da caweysnimo.
Waxa xarunta si aan xad lahayn kuraasta u soo buuxiya reer Hargeysa, heer la gaadho in dad badani xammilaan taagnida, iyagoo goobta u yimaadda madadaallada suugaanta sida heesaha fannaaniinta ugu caansan dalka oo masraxa ka qaada heesahooda loogu jecel yahay.

Sidoo kale, martida dalalka jaarka iyo dalalka shisheeyaha ah ayaa fiidkaba iska xaadiriya kuraasta u horeeya.
Waxyaabaha ku kallifa dhalinyarada iyagoo waqtiga iyo anshaxaba ilaalinaya iyagoo iskugu kala soocaya kuraasta oo ay u kala fadhiistaan qayb Rag ah iyo qayb Dumar ah, ayaa ah qaybaha suugaanta, sida gabayada iyo heesaha ay dadkani hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin, farshaxanka mala-awaalka iyo quruxda fanka.
Gebo-gebada maalinta 3aad ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa iyo Caweyska Caawa, waxa si weyn uga qayb-qaatay fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo madasha ku soo bandhigay heeso ka farxiya bulshadii maanta oo dhan shaqaynaysay amaba ku caajistay shaqooyinkooda.

Waxa jewiga qurxiya maqalka muusikada, muuqa fannaaniinta iyo maqalka codkooga, halkaas oo la isla helo jiibta codka, jaanta cagta iyo jamal-dhawga sacabka, maadaama madadaalladu tahay qayb nolosha ka mid ah, marka madadaallada lafteeda suugaan loo beddelana way ka sii qurux badan tahay.