Ururka IGAD oo si adag uga hadlay Weerarrada Argagixiso ee Muqdisho, Jabuuti iyo Kenya

Addis Ababa(Aftahannews):- Urur-goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla Bariga Afrika ee IGAD ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

IGAD LOGO MAXBUUB

Xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallim ayaa sheegay in weerarradan oo ay ka dambeyso Al-shabaab ay yihiin kuwo fulaynimo isla markaana aan loo dul-qaadan karin. “Weerarradaas ay geysteen kooxaha argagaxisada ah waxay si aan kala sooc lahayn ula beegsadeen shacab aan waxba galabsan, kuwaana kuwo looga soo horjeedo deggenaashaha gobolka,” ayuu yiri Maxbuub Macallin oo maanta war-saxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisa Nairobi.

Qaraxii ugu dambeeyay oo habeen hore ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa la sheegay inay fuliyeen laba qof oo kala ahaa wiil iyo gabar, iyadoo ay dhimasho iyo dhaawac fara badan ka dhasheen.

Inkastoo aysan jirin weli cid sheegatay weerarkaas ayaa haddana waxay ka mid yihiin ciidamada Jabuuti kuwa AMISOM ee Somalia ku sugan, iyadoo laga shaki qabo in arrintaas awgeed loo beegsaday Jabuuti.

Sabtidii lasoo dhaafay, ayaa sidoo kale weerar isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah waxay Al-shabaab la beegsatay xarunta baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 10-qof, soddomeeyo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaasoo ay ku jireen xildhibaanno.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku leeyihiin xaruntooda shir, iyadoo dadka dhintay ay u badan yihiin askartii halkaa ilaalada ka haysay iyo kuwii weerarka fuliyay.

Dhanka kale, qaraxyo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 80-qof oo shacab ah, kaddib markii qaraxyo lala beegsaday suuq Nairobi ku yaalla.

Maxbuub Macallin ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay weerarradan, isagoo u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxyadaas tacsi, kuwii dhaawacyadu ay kasoo gaareenna u rajeeyay caafimaad dhaqso ah.

“Argagaxisadu nooc walba oo ay yihiin waxay geysanayaan falal fulaynimo ah oo aan loo dulqaadan karin. IGAD waxaa ka go’an inay garab-taagnaato dalalka iyo shacabka ku nool geeska Afrika oo dhan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macallin.

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa isaguna weerarrada Muqdisho iyo Jabuuti ee Caasimadaha dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti si adag uga hadlay, isla markaana cambaareeyey, isagoo sheegay inay aad uga xun yihiin. Waxaanu soo jeediyey in loo baahan yahay in dhinac looga soo wada-jeesto Argagixisada Al-Qaacida Afrika ka joogta ee Al-Shabaab.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.