Aqoonyahanno Ka Warramay Taariikhda Faca Weyn ee Magaalada SAYLAC

Hargeysa (Aftahannews) – Iyada oo ay si toos ah maalintii labaad u socoto Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkii 16-aad oo xidhiidh ah la qabtay, ayaa waxa masraxa xarunta dhaqanka lagu marti qaaday Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Aqoonyahan Cabdiqani Iid Cilmi, Michael Walls, Drs. Aamina-bahja Iyo Cabdifataax Maxamed.
Aqoonyahannadan, ayaa si qoto dheer u faaqiday Taariikhda guunka ah ee magaalada Saylac iyo raadadka qadiimka ah ee ay leedahay.

Doodda mawduucan, ayaa Xubnaha wadaagayey laba ka mid ahi kaga qaybqaateen habka tooska ama Maqal iyo Muuqaalka, iyagoo adeegsanaya Aaladda (SKYPE), waxayna si hufan u faaqideen muhiimadda ay leedahay taariikhda magaalo xeebeedka Saylac oo ku taalla Gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland.

Sidoo kale, waxay si wadajir ah u sheegeen in Saylac loo aqoonsan yahay in ay jirtay tan iyo wakhti ka horreysay soo bixitaanka Diinta Islaamka, taas oo ka dhigaysa goobaha ugu taariikhda dheer qaaradda Afrika iyo dhulka Soomaalida, iyada oo la xusay inay Saylac ku yaallaan meelo badan oo ka tarjumaya taariikhda Geeska Afrika, gaar ahaan tan Soomaalida.

“Tan iyo horraantii soo bixitaankii Diinta Islaamka, magaalada Saylac waxay ahayd hoy waxbarasho, ganacsi, dhaqan, ilbaxnimo, xaddaarad iyo maamul boqortooyo,” ayay sheegeen Aqoonyahannada Doodda ka qayb-galay, iyagoo tilmaamay in Diinta Islaamku ay ka soo faaftay Saylac oo wakhti kooban ku noqotay Hoyga Diinta ee guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxa kale oo aad loogu dheeraaday astaamaha qadiimiga ah ee ku yaalla Saylac, sida Masjidka caanka ah ee ‘Qiblateynka’ iyo dhismayaal qadiimi ah, Sakkad la odhan jiray ‘Sakatul Yuhuud” iyo Xabaalo aad u da’ weyn.

Aqoonyahannadu waxa kale oo ay faaqideen xuseen sababaha dhaliyey in laga guuro magaalada Saylac, waxaanay Xuseen inay jiraan sababo badan oo looga guuray sida dagaalladii dhexmaray Boqortooyooyin ku hirdamay maamulkeeda.

Sidoo kale, Aqoonyahannada Taariikhdan ka warramay waxay dadka ku boorriyeen in la raadiyo taariikh dheeraad ah, maaddaama oo ay muhiim tahay in la kaydiyo taariikhaha uu dalku leeyahay, sida Saylac iyo meelaha la midka ah.
Xubnahani waxay sheegeen inuu jiro xidhiidh dhinaca Taariikhda ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, taas oo ku arooraysa taariikhda Saylac ee faca weyn iyo Culimadii fidinta Diinta ku hawlanaa ee isu maray Dhulka Soomaalida, Itoobiya iyo Bariga Afrika intiisa badan, kuwaas oo qaarkood xarun ka dhigtay magaalada Herer ee dalka Itoobiya.

Ugu dambayn, waxay ka jawaabeen su’aalihii dadweynuhu isla goobta ku waydiiyeen iyo waliba afkaar dheeraad ah oo halkaasi la isku waydaarsaday.