Somaliland: Doorka Haweenka ee ka Qaybgalka Doorashooyinka iyo Go’aan-qaadashada Siyaasadda

Xubnaha ka qaybgalay Falanqaynta: Sucaad Camriye, Sucaad Ibraahin iyo Sacdiya Muuse

Hargeysa (aftahannews):- Waxa maalintii labaad maanta si toos ah u socday Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, halkaas oo fursad lagu siiyay qaar ka mid ah Haweenka Siyaasiyiinta ah ee Somaliland oo ka hadlay Mawduuc ku saabsan caqabadaha Dumarka ka hor taagan saaxadda siyaasadda iyo go’aan-qaadashada siyaasadda Haweenka iyo doorkooda siyaasadeed.

Waxay aad u lafa-gureen doorkooda siyaasadeed iyo go’aan-qaadashada siyaasadda Haweenka iyo kootada loo qoondeeyey, taas oo ay ka Dumar ahaan aad u daadafeeyeen.

Sucaad Camriye oo u tartantay Golaha Wakiillada 2021-kii, si gaar ahna uga hadlaysay caqabadaha Dumarka ka haysta xagga doorashooyinka, ayey ku sheegtay in nidaamka doorashooyinka wax laga beddelo, iyadoo u sababaysay in Gabadhii heshay afar kun oo cod ay soo bixi wayday, halka uu Nin 5 boqol oo cod haystaana fadhiyo Golayaasha Qaranka.

Waxa kale oo ay beenisay aragtida ah Dumarku iskuma codeeyaan. Sucaad Carmiye, waxay intaa ku dartay in dhaqaaluhu yahay mid ka mid ah caqabadaha haysta Haweenka u tartamaya kuraasta Qaranka.

Sidoo kale Sacdiya Muuse oo ka mid ahayd xubnihii u tartamay kuraasta Qaranka, ayaa si guud uga hadashay caqabadaha hor taagan, waxayna dooddeeda ku xoojisay in qabyaaladdu qayb ka tahay caqabadaha hor taagan. Isla markaana waxay bulshada iyo dowladda kula talisay in nidaamka hadda la isticmaalo wax laga beddelo.

Sucaad Ibraahin oo ka mid ahayd xubnihii u tartamay kuraasta Golayaasha Qaranka, ayaa caqabadaha hor taagan u aanaysay in Xisbiyada Qaranka, taas oo ay u sababaysay in Xisbi waliba doorbidayo Ragga, iyagoo yaraysanaya Dumarka.

Sucaad oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartay inay waayo-aragnimo ka heshay doorashooyinkii ay so martay.

Dhammaan Xubnahani waxay si wadajir ah isugu raaceen in Odayaasha dhaqanka iyo awoodo qarsoon oo kale ay cadaadis wayn ku hayaan Haweenka hanka siyaasadeed leh. Waxa kale oo ay cod dheer ku sheegeen in ay ka Dumar ahaan bulshada codaysa u badan yihiin, haddana hab qabiil lagu kala kaxaysanayo. Waxa kale oo ay isku raaceen in Haweenku yihiin cashuur-bixiyayaasha ugu badan dalka Somaliland, haddana saaxadda siyaasadda laga hor taagan yahay, iyagoo u sababaynaya nidaamka siyaasadeed oo mar walba xagga Ragga u gacan midigeeya; sida ay ku doodeen.

Sidoo kale waxay carrabka ku adkeeyeen in dhaqaaluhu qayb libaax ka yahay dhammaan doorasooyinka, taasina ay caqabad ku tahay Haween ahaan. Haseyeeshee, waxay tilmaameen inay ku faraxsan yihiin heerka ay hadda Haweenka Somaliland marayaan, loona baahan yahay inay sii wadaan dedaallada horu-socodka leh ee ay ku jiraan.

Waxay talo u soo jeediyeen Haween waynaha Somaliland, waxaanay gaar u xuseen Hablaha da’ yarta ah, iyagoo ku boorriyay in aanay ka niyadjabin yoolkooda siyaasadeed iyo hadafkooda ee ay dhexda u xidhaan hayaankooda, isla markaana joojiyaan iska hor imaadka ka muuqda baraha bulshada, iyagoo ugu baaqay inay taageero buuxda siin doonaan Gabdhaha hanka leh.

Waxay ku taliyeen in loo kordhiyo fursadaha siyaasadeed oo ay aad u saluugsan yihiin, sidoo kale laga taageero xagga dhaqaalaha isla markaana la garab istaago Haweenka, si ay uga gudbi karaan caqabadaha jira wakhtigan.

Ugu dambayn waxay ka jawaabeen su’aalo dadweynaha kulanka saaka ee Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa weydiiyeen, weydiimahaas oo dhammaan khuseeyey siyaasadda Haweenka iyo doorka ay bulshada ku leeyihiin.