Doorasho ammaankeeda aad loo adkeeyey oo maanta ka bilaabantay Masar

Qahira(Aftahannews):- Masar waxaa ka billaabatay doorasho madaxtinimo oo ah tii ugu horreysay tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi. Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ugu yaraan 200,000 oo askari ay wardiyaynayaan goobaha codbixinta.

Masar

Aasiga garabka bidix Xamdin Sabaxi ayaa ah labada musharax ee kaliye oo u taagan doorashada.

Guusha Al-Sisi:

Waxaa aad loogu maleynayaa in Cabdal-Fataax al-Sisi uu ku guuleysan doono doorashada. Warkan oo aannu ka soo xigannay BBCSomali.com waxaa uu intaas ku daray; Taas ayaa dib ugu soo celineeyo jagada ugu sarreysa dalka in uu qabto xubin milatari ah saddex sano kaddib markii Xusni Mubarak laga tuuray madaxweynanimada.

Waxaa jiray baaqyo ah in shacabka reer Masar ay cododkooda dhiibtaan si dalka uu u xasilo. Cabdal-Fataax al-Sisi ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamad Mursi, kaddib dibedbaxyo ballaaran oo dalkaas ka dhacay.

Ururka Ikhwanul Muslimiinka ee uu Mursi ka tirsan yahay ayaa ku baaqay in doorashada aan laga qeyb-galin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.