Somalia: Dowladda oo Sheegtay inay Burburisay Kaydkii Qaraxyada Al-Shabaab ee Galgaduud

Galgaduud (aftahannews):- Ciidanka Kamaandooska xoogga dalka Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka waddaa Tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo deegaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud, ayaa sheegay inay burburiyeen Kaydkii qaraxyada ee Al-shabaab ku lahayd deegaannadaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo la hadlay warbaahinta Dowladda, ayaa sheegay inay khasaare weyn gaarsiiyeen kooxda Alshabaab.

Howlgalka laga fuliyay gobolka Galgaduud, waxaa la sheegay in lagu burburiyay godad Al-shabaab ay ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa.

Dowladdu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay dagaalyahanno badan iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkii ugu dambeeyay, ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Gariyaale, halkaas oo lagu khaarijiyay 18 xubnood oo Shabaab ah.

Warbaahinta Dowladda, ayaa barteeda telegraamka ku faafisay sawirrada Meydadka Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare, ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadayso howlgalkan illaa laga ciribtirayo Shabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanada hoos yimaada degmada Galcad.

Galcad, ayaa ka mid ah deegaannadii laga xoreeyay Al-shabaab, horraantii sannadkan, inkastoo Shabaabku ka geysteen mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa oo uu ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, Xasan Tuure.