Kooxda Al-Shabaab oo Amar ka soo saartay Isticmaalka Mobile-llada Casriga ah

Jalalaqsi(Aftahannews):- Xarakada Al-shabaab ayaa shacabka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan iyo tuulooyinka hoostaga kusoo rogtay amar ah inaan laga is-ticmaali karin deegaannadaas taleefoonada loo yaqaan Smartphone-ka.

Mibile-llo casriga ah

Al-shabaab ayaa horay ugu qabtay shacabka degmadaas muddo 15-maalmood ah inay ku dhaqan-geliyaan amarkan, kaasoo maanta ku eg, waxaana dadku ay sheegeen in tallaabo laga qaadi doono qofkii fulin waaya amarka.

“Maanta ayuu ku eg-yahay amarka ay Al-shabaab soo rogtay, kaasoo dadka lagu faray inaanay isticmaali karin taleefoonnada gacanta, runtii maalmahaas kaddib lagu arkana laga qaadi doono tallaabo adag,” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka ku nool degmada Jalalaqsi.

Goobjoogahan ayaa sheegay in saraakiisha Al-shabaab aysan sheegin sababta ay uga mamnuucayaan degmada iyo deegaannada ku dhow-dhow isticmaalka taleefoonnada, isagoo xusay in shacabku ay aad u hadal hayaan arrintan.

Saraakiisha Al-shabaab weli kama aysan hadlin amarkan ay kusoo rogeen dadka ku nool degmada Jalalaqsi iyo deegaannada ku dhow-dhow, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay amarkan oo kale kusoo rogaan shacabka ku nool deegaannada ay maamulaan.

Degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa amarkan oo kale lagu soo rogay, iyadoo dadka deegaannadaas ay sheegeen in qofkii lagu qabto taleefoonnadan la xirayo, muddo kaddibna lasii daynayo taleefoonkana laga qaadayo.

Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, inkastoo sannadihii ugu dambeeyay ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladdu ay kala wareegeen dhowr deegaan oo ay awood badan ku lahaayeen.

Taleefoonnada ay Al-shabaab ka mamnuucday deegaannada ay ka taliso ayaa waxaa ka mid ah: IPhone, Blackberry, Samsung Galaxy iyo kuwa la midka ah ee Internet-ka sida wanaagsan ugu shaqeeya, isla markaana leh kaamirooyinka qaadi kara sawirro tayo leh.

Xigasho Hiiraan.com.