Garaad Jaamac oo Soomaaliya Ku Eedeeyay inay Dagaalka Laascaanood Ku Taageerayso Somaliland

Laascaanood (aftahannews):- Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah  Garaaddada maamulka isku magacaabay SSC- Khaatuma, ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay Somaliland ku taageerayso duqaymo uu sheegay inay ka waddo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Waxaan ognahay Xukuumadda maanta jirta ee Soomaaliya inay iyadu garab ku siinayso Somaliland duqeymaha ay ka geysanayso Laascaanood. Waxaan ognahay inay hortaagan tahay in caalamku cunaqabatayn kusoo rogo Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaad Jaamac wuxuu sheegay inaanu jirin wax wada hadal ah oo socda. Wuxuu kaloo sheegay sida ay xukuumadda Soomaaliya wax ku waddo in aanay ku imaanayn heshiis iyo nabad.

Waxaanu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali; “Baarlamaanka Soomaaliya waa inuu si mugleh mooshin uga keenaa arrintaas. Mooshino kaloo bilaa macno leh waan arkayay. Tan dhabta ah ee ilaaheey kula xisaabtamayo, waa shacabka Soomaaliyeed ee la dulminayo oo xukuumaddii jirtay ay qeyb ka tahay dulmigooda.”

Garaadku wuxuuu sheegay in Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya ka shaqeynayaan kala tagga midnimada Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay dowladda Soomaaliya si aan qarsoonayn uga shaqeynayso daboolidda dembiyada dagaal ee ay Somaliland ka geysatay gobolka Sool.

Warkan oo faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-