Garabka Xukuumadda oo muddeeyey Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE iyo Garabkii Muuse oo la kala jabiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Guddiga Fulinta KULMIYE ee ay Khamiistii inna dhaaftay shaaciyeen Shir-guddoonka Shirweynihii Saddexaad ee Xisbigaas oo Hoggaanka KULMIYE qaaddacaday iyo Xoghayaha guud oo ka faquuqmay Garabka Muuse Biixi, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Maansoor Huteel ee magaalada Hargeysa ku muddeeyey fadhiga koowaad ee xubnaha Golaha dhexe ee la isku khilaafsan yahay.

Kulanka oo saaka ka qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa lagu dedafeeyey Guddi-fulineed oo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi xalay magaaabay, kuwaas oo lid ku ahaa Liisaskii guddigii Fulineed iyo Golaha Dhexe ee todobaadkii hore ay ku dhawaaqeen shir-guddoonkii Shirweynaha Kulmiye.

Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Cabdikariim Xinif oo ka tirsan Guddiga Fulinta, Wasiirka Cadaaladda Xuseen Caydiid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-Daahir oo uu weheliyo xoghayaha Guud Xasan Siciid oo hore u taageersanaa garabka hoggaanka Kulmiye, balse saaka loo yeedhay, ayaa sharciga xisbiga iyo ka Axsaabta Qaranka u daliishaday wax ay ku tilmaameen sharci-darro Hoggaanka Sare ee Kulmiye ka dhex-wadaan isla markaana ku burburinayaan Xisbiga Kulmiye.

Xubnahani waxa ay sheegeen inaanu guddoomiyuhu xaq u lahayn magacaabista guddiga Fulinta, isla markaana aanay jirin guddi fulineed oo cusub oo la magacaabay, haseyeeshee lagu doortay Guddiga Fulinta Xeerkii lagu doortay Hoggaanka Kulmiye kaas oo odhanayay in dib loo soo celiyo guddigii fulinta ee hore oo lagu daray Siddeed xubnood oo uu ku jiro wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo aan hore uga tirsanayn guddiga Fulinta.

Halkan hoose ka daawo Vedio-ga ama Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee ay Xubnahani maanta ku qabteen magaalada Hargeysa ee ay ku muddeeyeen qabsoomidda shirka koowaad ee Golaha dhexe iyo Xoghayaha guud Xasan Siciid Yuusuf oo ka mid ahaa Garabka Hoggaanka ee Muuse Biixi oo ka faquuqmay, isla markaana u wareegay Garabka Xukuumadda oo muddeynaya Shirka golaha dhexe ee KULMIYE.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.