Somaliland: Maxkamadda Sare oo Diidday Dalab Komiishanku Ku Codsadeen Kala Horreynta Doorashooyinka

Hargeysa(aftahannews):- Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay arji ay dhawaan u soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka Somliland, kaas oo ay diidday furistiisa.

War ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Maxkamadda sare, ayaa lagu sheegay in Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay diiday arjiga ku taariikhaysan 04/07/2023 ee ay Guddida Doorashooyinka Qaranku u soo gudbiyeen Maxkamadda Saree e JSL ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ujeedadiisuna ahayd fasiraad sharci.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay faraysaa Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland in ay cayimaan wakhtiga doorashooyinka maaddaama ay tahay awooddooda sida uu dhigayo Qodobka 16aad ee Xeerka Doorashooyinka Guud Xeer, Lr. 91/2020, faqradiisa 1aad.