Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo Dacwad Ku Oogay 18 Masuul

Muqdisho (aftahannews):- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamuud, ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 Sarkaal oo loo haysto eedo kala duwan.

Eedaha loo jeediyey Saraakiisha, ayay ka mid yihiin xatooyo xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuq-maasuq, lunsasho iyo leexsasho xoolo dadweyne, ka faa’iidayaysi xafiis dawladeed, iyo dayacaad waajibaadka saarnaa.

Eedaysanayaasha, ayaa isugu jira sagaal eedaysane oo xidhan iyo sagaal eedaysane oo maqane ah.

Dadka la soo eedeyey, ayaa ah Saraakiil haysay maamulka dhexe sida Agaasimayaal, madaxda ka tirsanayd laanta socdaalka iyo jinsiyadda, canshuuraha, ruqsad siinta ajaanibta iyo xilal kale.

Xeer-ilaaliyaha, ayaa ugu baaqay Maxkamadda inay soo muddayso dhagaysiga dacwadda loo haysto eedaysanayaasha.

Xigasho VOASOMALI.COM.